SIR CULUS: Dalal Carbeed oo Yuhuudda kula shirkoobey lug gooynta dalal kale oo Muslim ah + Sawirro (Kulan dhacay & qorshayaal la dejiyay)

0
Dhallinyaro Suuriyaan ah oo agmaraya boodh ay ku qoran tahay: "Haddii ciidda dalku dhawaaqdo, wuxuu dhihi lahaa Bashar al-Assad."
Dhallinyaro Suuriyaan ah oo agmaraya boodh ay ku qoran tahay: “Haddii ciidda dalku dhawaaqdo, waxay dhihi lahayd Bashar al-Assad.”

(Riyaad) 11 Jan 2019 – Sucuudiga, Imaaraatka iyo Masar ayaa la sheegay inay dejiyeen qorshe ay wax ka ogtahay Yuhuudda oo sida loo dhigay Jaamacadda Carabta lagusoo dhowaynayo madaxwaynaha Suuriya ee Bashar al-Assad, si loo go’doomiyo saamaynta dalalka Turkiga iyo Iiraan, sida uu kashifay warqaadka Middle East Eye.

Mubaadaradan diblomaasiyadeed ayaa sida la sheegay waxaa bishii tagtay lagu dejiyay kulan dhex maray saraakiil sirdoon oo ka kala socda 4-ta dal ee aannu soo sheegnay, kuwaasoo uu ka mid yahay Yossi Cohen, agaasimaha hay’adda sirdoonka Yuhuudda ee Mossad, sida ay saraakiil sarsare u sheegeen MEE.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xiriirka sii “qaboobaya” ee Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump iyo nidaamka Riyaad. Trump ayaa si cad u garab istaagey Amiirka Sucuudiga Mohammed bin Salman oo ku eedaysan dilka Jmaal Khashuuqji, balse CIA iyo Koongarayska Maraykanka ayaa gaashaanka u daruuray inay dhegeystaan warka Trump iyagoo dilka ku caddeeyay MBS, taasoo keentay inuu iska aamuso Trump oo intii tabartiis ahayd qabtay.

Saraakiishan ayaa isku raacay inay diiradda saaraan Turkiga oo ay u arkaan halista ugu wayn ee gobolka, oo ay u cag dhigaan Iiraan. Cohen ayaa la sheegay inuu yiri: “Awoodda Iiraan waa mid aan sidaa u adkayd. Halista Runta ihi waa Turkiga, waayo wuu ka xajmi wayn yahay dhan kasta.”

Si loola tacaalo waxaa la isku raacay afar qodob

4 TILLAABO OO LA DEJIYEY IN LAGU DHAQAAQO

Marka 1-aad waa in Trump laga caawiyaa sidii uu ciidamadiisa ugala bixi lahaa Afghanistan, halkaasoo ay weli ku harsan yihiin 14,000 oo askar Maraykan ah.

Dhallinyaro Suuriyaan ah oo agmaraya boodh ay ku qoran tahay: “Haddii buska dalku dhawaaqo, wuxuu dhihi lahaa Bashar al-Assad.”

Tillaabada xigta waa in “Turkiga gacanta looga dhigaa kaarka Sunniga” ee Ciraaq, si loo xadido saamaynta uu ku leeyahay isbahaysiga Alliance of the National Axis, oo ah baloogga Sunniga ah ee ugu ballaaran baarlamanka Ciraaq. Waa arrin ay Riyaad durba isku dayday markii uu afhayeenka Baarlamanka Ciraaq, Mohammed al-Halbousi, Sucuudiga booqday 17-kii Diseembar.

Tillaabada 3-aad ee laga wada hadlay waa in Bashaar Al Asad dib loogu soo celiyo Jaamacadda Carabta oo ah urur ay ku fadhi ku diriraan iskuna waraystaan dalalka ku jira, balse aan waxtar kale lahayn, kaasoo Suuriya laga eryey 2011.

Waxaa haddii uu soo laabto u sheegayaan Asad, oo aad ugu tiirsanaa Shiicada Xisbollaah iyo Iiraan intii uu socdey dagaalkii sokeeye ee Suuriya, “In waloow aysan filayn inuu ka xarig furto uu misna u dhaqmo sidii aabihii Xaafid Al Asad oo uu isticmaalo xooggooda balse aan isaga la isticmaalin,” sida uu sheegay sarkaal shirka ku dhow dhow oo uu soo xigtey MEE.

Tillaabada 4-aad waxaa lagu heshiiyay in la taageero Kurdiga oo iskugu jira kuwa hubaysan ee dalkaasi ka dagaallama iyo xitaa Kurdiga kale ee kala raacsan Ciraaq iyo Suuriya oo aysan jeclayn dowladda Ankara, si halkaa loogu mashquuliyo Turkiga.

Arrintan ayuu MEE jiritaankeeda ku taageeray booqashadii madaxwaynaha Suudaan oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Carbeed ee halkaa taga kaddib dagaalkii Suuriya, taasoo uu sheegay in aysan dhacdeen haddii aysan Riyaad madaxa u gundhin.

Ali al-Shamsi, oo ah agaasime xigeenka sirdoonka Imaaraatka, ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa caasimadda Dimishq, waxaa xigtey in ay Imaaraatku ku dhawaaqaan inay dib u furanayaan safaaradoodii 27-kii Diseembar, kaddib 8 sano oo ay xirnayd.

Isla maalintaas, Baxrayn oo ah jasiirad yar oo aad ugu xiran Sucuudiga iyo Imaaraatka ayaa ku dhawaaqday inaysoo celinayso xiriirkeedee diblomaasiga ee Dimishq.

3 maalmood kahor, Ali Mamlouk, oo ah la taliyaha gaarka ah ee amaanka ee Asad ayaa booqasho naadir ah ku tegey magaalada Qaahira, waxayna iluhu sheegayaan inay xigi doonto in la caadiyeeyo xiriirka labada dhinac ee Suuriya iyo Masar.

IMAARAATKA OO KA ODAYAYNAYA MBS IYO CIA

Mohammed bin Zayed, oo ah dhaxalsugaha Abu Dhabi oo socod bare u ah dhiggiisa ka yar ee Sucuudiga ee MBS, ayaa la sheegay inuu horseed ka yahay dadaallo lagu doonayo in la hagaajiyo xiriirka sii dhagaxoobaya ee Maraykanka iyo Riyaad, gaar ahaan CIA.

A handout picture provided by the Saudi Royal Palace on November 22, 2018, shows Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman (L) being received by Abu Dhabi’s Crown Prince and Deputy Supreme Commander of the UAE Armed Forces, Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan, upon the former’s arrival in Abu Dhabi.
Agaasimaha Mossad, Yossi Cohen

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media