DAAWO: Gabdhaha Soomaalida oo bilaabay isticmaalka kaniini ”qarxis” la yiraahdo (Sabab?)

0

(Wajeer) 11 Jan 2019 – Degmada Wajeer ayaa waxaa kasoo shaac baxday arrin cusub oo ah kaniini loo adeegsanayo qaab aan ahayn sidii loogu tala galay.

Kaniinigan oo la sheegay inay gabdhuhu u cunaan in lagu cayilo ayaa qofka ku diraya raashinka, taasoo keenaysa inuu qofku cayilo si ay wiilashu u jeclaadaan.

Kaniinigan oo ”qarxis” la yiraahdo ayaa saamayn xun leh (side effects), waxaana ka mid ah inuu qofku lugaha ka socon waayo, wuxuu kaloo keenayaa inuu jirku goobo yeesho iwm.

Dexamethasone waa kaniini lagula tacaalo xaalado caafimaad oo halis ah sida dawaynta ruumatiisimada, cudurrada maqaarka sida xasaasiyadda ba’an, neefta, cudurrada sambabbada, maskax bararka iwm. Waxaana laga sheegay meelo kale oo ka mid ah dhulka Soomaalida oo aan Wajeer kaliya ahayn.

Hoos ka DAAWO…

Muuqaalka: Alpha TV

Hadalsame Media