XAQ DARRO HA U XIL QARIN: Haddii aad xoolo islaameed haysato iska dhiib haddii xaq kaa maqan yahayna raadso

0

(Hadalsame) 11 Jan 2019 – Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday in la isu celiyo hantida laga haysto qaranka ama haddii si kale loo yiraahdo hantida danta guud ee uu qof gaar ihi haysto.

Yeelkeede, waxaa markiiba bilowday doodo iska daba wareeg ah oo tashwiish lagu abuurayo, kuwaasoo ay ku jiraan kuwo badan oo u muuqda kuwo loogu qiil dedayo haysiga dhulalka danta guud xilli kasta iyo xeelad kasta oo lagu qaatayba.

Bal aan sidan u dhigo anigoo si guud u eegaya oo xitaa xisaabta ku daraya hantida gaarka ah:

Haddii aan tusaale ahaan guri dad leeyahay ku jiro ama xero dowladeed oo aan ogahay inaanan lahayn ee ”soo celi” la i yiraahdo doodda kale ee iman kartaa maxay tahay sida xaafad heblaayo malaga qaaday, waqti hebel malaga bilaabay iyo su’aal aakhireedyada kale.

Mid waa qirsanahay in wax laga qabta dowladda iminka jirta waan ku tirtirsiinayaa, waayo dowladdii millaterigu waxay dhulal badan dad uga qaadday qaab aan sharciga waafaqsanayn ama aan cadaalad ahayn, sida qof dhulkiisii loo bixiyay dan guud isna aan xaq u lahayn in dhul ku yeesho gobol kale oo dalka ka tirsan maaddaama uu caasimadda oo qura deggan yahay.

Yeelkeede, qofkii og in dhul si khalad ah looga qaaday sida qof cadaalad darro tirsanaya sida goofleeyda, qofkii beri hore dhul si khalad ah looga qaaday iwm way dacwoon karaan, laakiin qof kale oo aan xayndaabkaa ku jirin ee doodda u furaya in wax uu dhacay loo daayo ee weliba si xishood la’aan ah bulshada ula soo hor istaagaya waa ceeb wayn ee wax halla hambeeyo.

Midna waa muhim, haddii aan eego hantida gaarka ah, tusaale ahaan, aniga maanta boosas aan leeyahay ayaa lagu haystaa meel aan Muqdisho ahayn, balse waxaan qabaa in qofkii miskiin ah ee wixiisa Xamar looga haysto sidii jajab isu qaybsan aan la isu bixin karin wixiisa iyo wax aniga iga maqan.

Waayo waa in kiis kasta si gaar ah loo qaado aniguna markii meesha la iiga haysto nidaam cadaalad ihi ka yimaado ama nidaamka dhexe dalka wada gaaro, waxayga waan helayaa, hase ahaatee Muqdisho waa magaalada ugu saamaynta ballaaran guud ahaan dhulka Soomaaliyeed ee yaan tiyaatarka lagu ceeboobin meeshu waa masrax ay Soomaaliyi wada daawanaysee.

Waxaa intaa dheer, marka aad cadaalad oogto oo aad qof kasta xaqiisa farta ka saarto, qofka ugu horreeya ee miraheeda guranaya ee ku caana maalayaa waa adiga meeshaas cadligu ka shaqaynayo ku nool, haddii aad taa biddaalkeeda, xaqdarro, wax badsi iyo u hanqal taagga xoolo islaameed xadaarad ka dhigato waxaad ka heshaa waa uun halaag iyo heehaab aan kaa harin halkan iyo hadhoowba.

Cadaalad la’aantu waa midda maanta Soomaali u yeeshay siifkaa silloon ee ay isu dhamaynayso iyadoo aanu jirin qof yaqaan waxa lagu diley ama uu wax ku diley, sida qura ee looga siraad kori karaana waa cadaaladda oo la oogo iyo ALLE oo laga baqo.

Iska bixi xaqa lagugu leeyahay, xitaa haddii uu xaq kaa maqan yahay, waayo dembigii lagaa galo waxaa la waydiinayaa kii kaa galay, balse adiga midka lagu waydiinayaa waa midkii aad gashay oo qura, qof kastana intiisaa deeqda.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media