Rwanda oo ka dhabaysay mamnuucidda maaddooyinka la isku caddeeyo! (Arag halista)

0

(Kigali) 10 Jan 2019 – Dowladda Rwanda ayaa ciidamo la socda ku baahisey guud ahaanba suuqyada dalkaasi si ay u dhaqan geliso xeer cusub oo mamnuucaya badeecooyinka jirka lagu dhalaaliyo.

Dalkan Geeska Afrika ayaa shuclada u sida dalalka Afrika qaarkood, isagoo doonaya in la joojiyo ka ganacsiga badeecooyinka jirka la mariyo, gaar ahaan qaarka ay ku jirto maadada hydroquinone oo jirka ka disha midab sidaha, sidoo kalena keenta cudduro uu ku jiro kansarka maqaarku, sida uu afhayeenka Hay’adda Taya Dhowrka Rwanda ee Standards Board u sheegay CNN.

“Waxaa xeerkani kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adda Cuntada iyo Dawada iyo Hay’adda Taya Dhowrka Rwanda,” Simeon Kwizera, oo ah madaxa isgaarsiinta iyo xiriirka dadwaynaha.

Hadalsame Media