Arrin uu Ruushku ka walaacsan yahay oo soo korortay!

0
(Moscow) 10 Jan 2019 – Hay’adda Nabad Sugidda Ruushanka ee Russian Security Service (FSB) ayaa aad uga werwersan mashruuca OneWeb, oo ah mid caalami ah oo ku saabsan internet-ka laga laliyo satellite-ka, kaasoo ay Ruushku horay u ogolaadeen inay qayb ka noqdaan qaar ka tirsan satalaytyadoodu.

OneWeb ayaa ujeedkiisu yahay in dunida la siiyo internet broadband ah oo la marsiinayo oo ay isu dhiibayaan raxan satalaytyo ah oo gaaf meeraya joogagga dhow ee dunida.

Yeelkeede, waxay doodi ka joogtaa gaaritoonkooda suuqa Ruushka, iyadoo ay tuhun qabaan saraakiisha amaanka dalkaasi oo ka walaacsan inay taasi halis gelin karto amaanka qaranka dalkaasi.

Sida uu sheegay Dmitry Rogozin, Madaxa Hay’adda Hawada Sare ee Ruushka ee Russian Space Agency (Roscosmos), shakiga ka imanaya hoggaanka Nabad Sugidda FSB waxay keeni kartaa in Ruushka laga tuuro mashruucan, kaasoo online noqonaya mar dhow haddii Ruushku ka qayb qaato iyo haddii kaleba, mar uu la hadlayay webka cusub ee RBC.

Hadalsame Media