AC Milan & UEFA oo berri is hor fariisanaya + Sawirro (Milan oo raja ka qabta hal arrin)

0

(Nyon) 10 Jan 2019 – Berri waa maalin muhim u ah kooxda Rossoneri, iyadoo ay magaalada Nyon ee xarunta UEFA tegayaan qarreennada AC Milan iyo Elliott si kulan ula qaataan UEFA.

Sida ku qoran Tuttosport, labada dhinac ayaa durba Talaadadii xiriirey, iyadoo kulanka berri laga yaabo inay wax uun kasoo baxaan. Kooxda Via Aldo Rossi ayaa xukunka UEFA ee FFP u aragta mid xaq darro ah, gaar ahaan waqtiga loo qabtay oo ah ilaa Juun 2021, kaasoo ay Elliott u aragto mid ku yar inay maalgelin samayso, natiijo isboorti oo wanaagsanna keento si ay u fariisiso koontooyinka kooxda.

Elliott ayaa ku doodaysa inaysan maanta jirin qaamo lagu leeyahay kooxda Milan, sidaa darteed aysan dow ahayn in iyaga laga bilo khaladaad ay galeen maamulladii iyaga ka horreeyay, waxaana halkaa kusii sugnaa Ivan Gazidis oo Switzerland u tegey ka qaybgalka shirka ECA oo ay ku midaysan yihiin kooxaha Yurub oo la shirayay UEFA, waxaana lagu wadaa inuu berri hoggaamiyo wefdiga Milan ee la xaajoonaya UEFA.

Tuttosport ayaa sheegay in ay dhici karto in ay UEFA xarigga ka debciso Milan oo aysan isku wanaagsanayn sanadihii dambe, si ay arrintu uga fursato inay markale gaarto Maxkmadda Cadaaladda Isboortiga ee TAS oo saldhigata Lausanne.

Elliott waxay doonaysaa in loo ogolaado inay kooxda maalgelin karto oo usoo iibin karto xiddigaha loo baahan yahay si sare loogu dhigo tayada farsamo ee kooxda oo markaa u tartami karaysa koobabka waawayn, taasoo aan iminka sahlanayn hannaanka Financial Fair Play dartiis.

Wuxuu kaloo wargaysku qorayaa in Leonardo iyo Maldini ay berritoole lasoo noqon karaan hoga tusaalayn cusub oo tii hore ka debecsan oo ay suuqa la tegi karaan, iyagoo horay u dejiyay qorshihii dukaamaysiga balse aan lug dhaqaajin karin.

Hadalsame Media