Arag tusaalaha ugu fiican ee siyaasiga Soomaaliyeed ee sebenkan

0

(Hadalsame) 10 Jan 2019 – Reer oomman ayaa nin u dirsaday dhaan. Guriga bannaankiisa ayuu ku arkay nin taagan. Ninkii ayuu legdin ku bilaabay. Saacad ayey hadba dhinac isu tuurayeen. Intay dagaalamayeen ayaa Ilaahay roob soo shubay. Isagoo daallan oo qoyan ayuu gurigii ku soo noqday. Ilaahay amarkii meeshii ay ku legdameen godad ka qodmay ayaa biyo fariisteen. Dadkii ayaa meeshii ka cabbay oo ka dhaansaday.

Ninkii wuxuu galabtii qabsaday khudbo dheer oo uu kaga hadlayo qorshihii uu ku hirgaliyey ceelashaas laga cabbay, xooggii iyo tabartii kaga baxday. Wuxuu yiri in reerku meel guriga u dhaw ka cabbo waa hammi weligey igu taagnaa. Wuxuu sheegay inuu isagu doortay meel biyo qabad leh, oo ceelasha gunta ka adkeeyey, oo hareeraha biyo-celis fiican uga sameeyey. Wuuxuu sheegay in qorsheyaasha uu maaggan yahay ay kan ka sii fiicnaan doonaan.

Marka hay’ado carbeed iyo kuwo reer Galbeed mashaariic ay iyagu wateen Ilaahay iska soo rido, ama ganacsatadu shirkad muhiim ah furaan, oo madaxdeennu la soo istaagaan khudbo dheer, oo ay noo sheegaan inay hawshaas qorsheynayeen ilaa maalintii ay dhasheen, waa uun iska ninkaas nasiibka badnaa.

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media