WAR CULUS! Juventus & Inter Milan oo mabda’iyan ku heshiis ah hal arrin oo wax wayn ka bedeli karta Serie A (Caqabad hortaagan)

0

(Milano) 08 Jan 2019 – Beppe Marotta ayaa caddeeyay hal arrin: Inter waa u cag dhigaysaa suuq jiilaalkan Jannaayo, waloow uu ujeedku weli yahay in la xoojiyo safka uu haysto macallin Spalletti si ay Nerazzurri ugu babac dhigto wareegga labaad ee fasal-ciyaareedkan oo ay dheelayaal 3 koob; Horyaalka, Italian Cup iyo Europa League.

Yeelkeede, muusiggaasi wuu isbedelayaa xagaaga, markaasoo ay Suning doonayso inay malaayiin ku farraqdo suuqa kala iibsiga, si Inter loo keeno figta sare. Waxaa loo baahan yahay horyaal tayo leh waxaana suuqa wareegaya magaca Paulo Dybala, balse waloow ay aad iskugu dhow yihiin Agaasimihii hore ee Juve oo haatan u wareegey Nerazzurri misna rakhiis maaha oo waa 100 milyan oo euro. Waxaana la sheegayaa inuu jiro ”heshiis akhyaareed” ka dhexeeya labada dhinac oo mabda’iyan ogol inay arrintan ka xaalaan.

Dhanka Juventus inay Dybala Inter u dayso waxay ku xiraysaa helitaanka Isco.

Si kastaba waxaa wiilkan Paulo Dybala daba ruclaynaya kooxo badan oo maal haysta ka Bayern Munich, Paris Saint-Germain ilaa Manchester City, oo u wada diyaar ah inay u dagaallamaan ‘La Joya’.

Yeelkeede, Inter ayaa doonaysa inay turubkeeda dheesho iyadoo isha ku haysa laba qodob: Hal dhinac waa wiilkan reer Argentine oo ay ka go’an tahay inuu kasii ciyaaro Serie A; Dhanka kale, sida uu qorayo ‘Qs’, cayrsiga Juventus ee Isco oo u safta Real Madrid, oo ay kooxdaasi u dhaqaaqayso suuq xagaaga soo aaddan, taasoo hubaal la’aan bara bixin karta barbaarkan.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media