“Deniyoow 3 baan kugu diidey midna kaa dooni mayno!”

0

(Hadalsame) 08 Jan 2019 – Hal abuur Khaliif Faarax Xayir ayaa qoraal uu ka sameeyay Doorashada iminka soo afjarantay ee Madaxtinnimada Puntland wax ka yiri, isagoo la hadlaya Deni oo xilka hantayna wuxuu warkiisa ku bilaabay qaabkan:

Saddex arrimood ayaanan kuugu hambalyayn karin

1- Musuqmaasuq, laaluush iyo lacag baad kusoo baxday, taasoo macnaheedu yahay waxaad sii xoojinaysaa boobkii iyo xalaaleyntii xaaraanta ahaa.

2 – Ma tihid nin qalbigiisu qaado ummada oo dhex u noqon kara, maadaama aad ku suntan tahay koox ideology isku soocday, oo dagaal kula jira kooxo kale. Haddii aan Damuljediid taageerayana Xasan iyo Faarax oo madaxdaada ah baa kaa mudnaa.

3- Lex jeclo aan dhulkayga u qabo ayaanu qalbigaygu ugu faraxsanayn doorashadaada, waxaana muuqata inaan galnay marxalad adag oo cusub.

Kaama rabno inaad Puntland beddesho, adigu is beddel oo naftaada sax, bes wax kale kaama rabno, sidayada ayaan iska ahaanaynaa annagu. Waayo way noo dhaantaa sidaada.

Waxaa Qoray: Hal-abuur Khaliif Faarax Xayir

AFEEF: Qoraal kasta wuxuu xambaarsan yahay aragtida qofka ku xusan

Hadalsame Media