Hal arrin oo ay tahay inay Soomaalida kale uga daydaan Somaliland & Puntland (Arrin maamulladaa ka khaldan)

0

(Hadalsame) 08 Jan 2019 – Markii guud ahaan la eego siyaasadda Soomaalida, wax cusbo badan oo la taaban karo malaha, mana aha inay siyaasaddu iskeed u xun tahay ee waxaan jirin siyaasiyiin badan oo ay dhab ka tahay in umad wax la taro ama dan guud laga taliyo.

Yeelkeede, aannu u daaddegno moowduucan oo aannu ku eegayno hal arrin oo ay Somaliland iyo Puntland uga duwan yihiin gobollada kale ee Somalia, arrintaasoo keentay inay muddo dheer taagnaadaan maamulladaasi.

Jawaabtu waxay u egtahay dhaqanka gobolladaasi oo ciyaara door wax ku ool ah, waloow ay shacabka laftiisu ku amaanan yihiin inay wax ka dhegeystaan dhaqanka misna farqigu waa dhaqanka.

Tusaale ahaan, dhaqanka gobolladaasi waxay u shaqeeyaan qaab si ahaan siyaasadda ka madax bannaan oo kaliya xeeriya danta guud ee umadda, sida tusaale ahaan in laga jiro khilaaf keena gacan ka hadal, in nidaamka la dumiyo ama khalkhal xitaa la geliyo iyo in xitaa haddii la qaybsan yahay la eego waxyaabaha asaasiga u ah umadda iyo maamulka markaa jira sida u qaybsanaha wadareed.

Markii aad siyaasad ahaan u eegto gobolladaasi wax badan kama duwana Soomaalida kale, waayo go’aamada kasoo fula maamulladaasi marar badan ma aha kuwa fadhiya ama xitaa ku dhisan waaqiciyad la fahmi karo, hal tusaale waxaa kuu ah Somaliland oo tiri haween iyo carruur qaxooti ihi sooma degi karaan, baasaboorka Soomaaliga laguma dhoofi karo, laakiin Garoowe waa laga doonan karaa iwm, halka Puntland oo sheegata inay tahay ”hooyada Federaalku” ay marar badan la timaado doodo hagardaamaynaya hirgelitaanka isla federaalka ay leeyihiin horseed baannu u nahay, sida dalal shisheeye ayaanu xiriir la samaysanaynaa annagoo Somalia ka mid ah, dastuur gaar ah ayaa noo qoran iyo xiriir baan jarnay iwm.

Yeelkeede, saas oo ay tahay khayr Allaha siiyee waxaa ceebohooda in badan astura dhaqanka gobolladaas oo ku ixtiraama muddo xileedkooda xitaa haddii aysan go’aamada la qabin, bulshada iyo siyaasiyiinta kalena ka hora oo runta u sheega. Hal tusaale waxaa kuugu filan go’aankii uu Gaas ku ”mamnuucayay in ay DF timaado Puntland” iyo go’aankii ay ka istaageen Isimada Puntland.

MAXAA LAGA BARAN KARAA HADDABA?

Waloow ay jiraan dad ku dooda inaysan is keenaynin dhaqanka iyo siyaasaddu misna waxaa jira afkaaro siyaasadeed sida Social Constructivism oo taageeraya inay umad waliba wax u dhisato qaab ka tarjumaya taariikhda, afkaaraha, dhaqanka, afka, diinta iwm oo ay aaminsan yihiin inay ciyaaraan door aad u culus oo asaasi ah, wax kastana iyaga lagu dhisaalo halkii aragti qalaad lagu khasbi lahaa umad aan la jaanqaadi karin. Xusuuso afkaarihii Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan ee uu Siyaad Barre keenay iyo sidii uu u fashilmay.

Sidaa darteed, gobollada kale ee Somalia iyo xitaa DF ah waxaa la gudboon in maadaama la dhisayo umad muddo dheer dunsanayd, isla markaana aanu weli si buuxda u hana qaadin nidaamka dhexe oo ah wax markasta loo baahan yahay si looga jiba keena ilaalinta danaha guud ee umadda, waa in la helaa marjac odayaal ah oo loola tago markii khilaaf yimaado, si arrinta looga garnoqo kaddibna xalkii la keeno loogu wada biraysnaado.

Qiyaas markii ay is khilaafeen DF iyo Gobollada ama Madaxda sare ee dowladda ama iminka oo ay labadii Baarlamaan xarkaha kala goosteen ama ay Puntland tiri ”dowladdu nooma iman karto” ama ay Galmudug laba u kala jabtay, waxaas oo dhami waxay ku dhacayaan MARJAC LA’AAN, waayo ma jiro dhaqan guud oo u dhisan Somalia, sidoo kale, ma jiraan hay’aadkii dastuurka fasiri lahaa sida Maxkamaddii Dastuuriga oo ay eed ku leeyihiin dowlado ay ugu dambayso midda haatan jirta.

Hal arrin oo jirta ayaa ah in koonfurtu ay ka dad badan tahay labadaa gobol oo ay ku wada noolyihiin qabiillo badan oo isuma taliso ah, sidoo kale, maadaama ay meelaha muddo magaalaysnaayeen waxaa yaraa doorka uu dhaqanku ku lahaa waana midda qayb ahaan keentay inaan waxba laga dhegeysan, yeelkeede, maadaama asal ahaan Soomaalidu dhaqanka ku tiirsanayd waxay ahayd in dhaqanka loo laabto markii uu dhacay nidaamkii dhexe, waana sababta karaarisay fashilka nidaam ee ku dhacay koonfurta.

Waxaan soo jeedin lahaa in dhaqanka koonfurta oo siyaasadda ku milmay uu bedelo qaabka uu wax u wajahayo, kaddibna la sameeyo GOLAHA DHEXE EE DHAQANKA SOOMAALIYEED, kaas oo ah mid madax bannaan oo ka kala yimid gobollada dalka oo dhan, si loogu noqdo marka la is qabto inta laga hirgelinayo garsoor dhexe oo wax ku ool ah.

Sidoo kale, gobollada heer federaal waa inay samaystaan GOLAYAAL DHAQAN oo maxalli ah oo aan hunguriga wax ka maqal, kuwaasoo laga soo xulayo dadka la yaqaan ee ehelka u ah qiyamka, dhowrsiga, mas’uuliyadda, qaadka guud, cadaaladda, daacadnimada iwm, haddii kale xaajadu sidaas ayay u ahaanaysaa meel kabdhood u ah siyaasadda gurracan ee siyaasiga dantii eegtaha ah ee ku faca ah tiisa gaarka ah ee aan weliba laftiisa u mira badnayn iyo oday koofi saliid ah oo uu isagu ka dhex hadlo.

Xitaa ceeb maaha in loo tago dhaqannada Somaliland iyo Puntland oo laga soo qaato khariidad ku saabsan qaabka ay isu waafajiyeen arrintan ee ay dhaqankoodu ugu guulaysteen in khilaaf kasta oo dhaca uusan inta badan noqon mid fara ka bax ah.

Waxaan kaloo siyaasiyiinta Somaliland iyo Puntland u jeedin lahaa in maadaama uu dhaqankoodu shaqadiisa u gutey sidii ugu wanaagsanayd ee ugu macquulsanayd, inay siyaasiyiintu la yimaadaan siyaasad ku dhisan bisayl iyo dan garadnimo si loo bedelo midda iminka ku dhisan danta gaarka ah ee ninka markaa madaxda ah ee aan wax badan u tarin shacabka gobolladaas iyo xitaa gaarista xal guud oo Soomaaliyeed.

Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media

Facebook Comments