Wasiirka Gaashaandhigga Britain oo masaxay Tweet uu Somalia ku qaybinayay + Sawirro (Arag jawaabaha)

0

(Jubba) 07 Jan 2019 – Wasiirka Gaashaandhigga dalka Britain Gavin Willisamson oo shalay booqday magaalada Hargaysa oo uu kula kulmay madaxwaynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa masaxay Tweet oo saacado kahor soo qoray.

Williamson ayaa bartiisa Twitter-ka bilowgii kusoo qoray war muran dhaliyey oo uu ku sheegay inuu Biixi kala hadlay ”xoojinta xiriirka labadooda dal” iyo inuu weliba halkaa kusoo arkay wax uu ku tibaaxay shaqo ay ciidamadoodu halkaa ka qabteen sida uu u dhigay.


Markaa kaddib waxaa Twitter-kii kusoo qamaamay Soomaali kala nooc ah oo ay qaar qowlkiisa u qoslayeen qaarna ay aad ugu qaylinayeen inuu ku tumanayo qarannimada iyo midnimada Somalia.

Taasi waxay keentay in uu Wasiirku tiro Tweet-kii hore oo uu ku bedelo mid uu kusoo qoray erayo taxaddar ka muuqdo oo ka duwan kuwii hore, wuxuuna qaybta dambe ka saaray warkii sheegayay inuu Biixi kala hadlay xiriir ka dhexeeya ”laba dal”, balse dadkii ayaa misna ka daba qaatay iyagoo u sheegaya inuu tiray Tweet-kii hore balse ay dunida oo idil wada aragtay.


UK ayaa ah dalka jugta ugu wayn u gaystey Soomaalida oo uu dhulal ay leeyihiin hoos geeyay Kenya iyo Itoobiya, wuxuuna weli wejiyo badan ku wajahayaa siyaasadda Somalia.


Hadalsame Media