Waa muhim in XAL loo helo muranka soo noqnoqday ee dowladda & Xisbiga Wadajir

0

(Muqdisho) 07 Jan 2018 – Marka hore aad baan uga xumahay sida guud ee ay wax u dhacayaan, marka xiganai waa nasiib daro In Xisbi Siyaasadeed oo dowladu diiwaan galisay una aqoonsatay Xisbinimo oo doonayay inuu taageerayaashiisa uqabto tababar laga hor istaago howlihiisa.

Marka xiga waxaan kula talin lahaa madaxda dowlada inay dhowraan xoriyada hadalka ,ayna aqbalaan kala aragti duwanaanshaha siyaasadeed ee ka jirta dalka.

Sidoo kale waxaan kula talin lahaa axsaabta siyaasadeed ee ka aragtida duwan madaxda DFS iney iyaguna dowlada ku ixtiraamaan go’aanada ay soo saarto kuwa iyaga kaquseeya iyagoo ka eegaya dhinacyo badan hadii aaney xadgudub ku aheyn xuquuqdooda destuuriga ah.

Mana qabo Anigu in sharcigu uu noqdo mid lagu dul sameeyo dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee maalin laha ah ee dalka ka socda, ee waa in marka horeba laga fikiro inta aaney imaan eedahaan oo kale, maadaama sida aan iminka la socono aan la dhameystirin oo weli gacanta lagu hayo sharcigii Axsaabta Siyaasadeed ee dalka..

Waayoo hadii uu horay u jiray go’aanka ah in aan Hoteelada lagu qaban karin shirar aan lagu soo wargalin Hey’daha amniga waxa ay aheyd in mudada shirka ka hor uu Xisbiga Wadajir ku wargaliyo dadka shaqada ku leh, balse sida aan hadalka u fahmay Xisbiga Wadajir tababar koodu ma aheyn mid maanta bilaabanayay ee wuxuu ahaa mid soo socday oo 2 maalmood oo hore la qabtay, halkaa su’aasha soo galeysa waxay tahay xagee jireen dadka maanta amarkan soo saaray labadii maalmood ee hore?

Sikastaba, maadaama Xisbiyada kale uu xaalkoodu caadi yahay waxaan Hogaanka sare ee Dowlada & Madaxda Xisbiga Wadajir oo ay arintoodu dhowr jeer soo noqnoqotay kula talin lahaa iney iskaga garaabaan xaaladaha jira lana yimaadaan hab ka duwan habka ay iminka iskula dhaqmayaan oo ah mid aysan 2-da sano ee hartay iskaga garab shaqeyn karin, waana muhiim in Mucaaradkuna waqti siiyo Dowlada si madaxdeedu dalka ugu shaqeeyaan sidoo kalena ay Madaxda dowladu ay fursad siiso Xisbiyada si ay ololahooda iyo fikradahooda bulshada ugu sii qanciyaan isuguna diyaariyaan doorashooyinka,

Si aan hadaba labada dhinacba la isugu habsaamin waa muhiim in xal loo helo caqabadaha jira sida:

In Madaxda dowladu ay u ogolaato Xisbiga Wadajir dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed iyo xoriyadiisa dastuuriga ah maadaama uu ka mid yahay xisbiyada mucaaradka ku ah, sidoo kale waa in Madaxda dowladu aysan Xisbigan oo kaliya la bartilmaameedsan awaamiir tooda ku wajahan dhaqdhaqaaqyada Siyaasadeed ee dalka ka socda, ee waa inaad go’aannadiina ku saleysaan mid guud ahaan khuseeya Xisbiyada Siyaasadeed ee aad u diiwaan galiseen Xisbinimadooda idinka oo had walba ilaalinaya sharciyada dalka, tankale Madaxda dowladu waa ineysan iyadu abuurin l buuq siyaasadeed ee waa iney Madaxda dowladu mar walba hormuud iyo tusaale u noqoto ku dhaqanka sharciyada dalka sidoo kalena ay dulqaad u yeelato ficilada kaga imaanaya mucaarad kooda hadii aaney ka hor imaaneyn Amniga,Destuurka iyo xasiloonida dalka.

Sidoo kale Xisbiga Wadajir hogaankiisa waxaan kula talin lahaa in uu Ixtiraamo masuuliyada guud ee ka saaran Amniga dalka, Dowladnimada, & ilaalinta danta guud ee Umada, islamarkaana uu marwalba ka fogaado wax kasta oo dalka ka abuuri kara Xiisad bulsho iyo buuq Siyaasadeed, waana in uu cadhadiisa ku daraa dulqaad siyaasadeed iyo han fog oo uu ka leeyahay talada dalka,waana in uu u hogaansamo awaamiirta Madaxda Dowlada hadii aaney ka hor imaaneyn howlaha iyo himilada Xisbiga Wadajir uu ka wado dalka yo xoriyadiisak xaqa u ah sharciguna u ogol yahay.

Halkalena waxaan leeyahay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Gudiga Doorashooyinka, Fadlan labadiina dhinacba dalka waxaa idinka saaran waajib, waadna ujeedaan xaalada oo wax idinkama qarsoona oo waa mid soo noqnoqotay.

Sidaa daraadeed waa inaad si dhaqso ah u qaadaan tilaabooyin muhiim ah oo xal loogu raadinayo ismari waaga ka dhex aloosan Madaxda dowlada iyo Xisbiga Wadajir, waana inaad u istaagtaan sidii aad u kala jiheyn laheydeen Xisbiyada dalka iyo madaxda dowlada maadaama dalku u diyaar garoobayo nidaamka Xisbiyada oo ah howl kale oo isticmaal keedu nagu cusub yahay, waana inaad qeexdaan sharciyada iyo xuduudaha kala xadeyn kara Madaxda iminka talada heysa iyo Xisbiyada Siyaasadeed kula loolamaya hogaanka dalka si iyadoo aaney jirin buuq iyo isqabqabsi iyo isku awood sheegasho loo wada hiigsado doorashada 2021-ka la filayo iney dalka ka dhacdo.

WABILAAHI TOWFOIQ

Waa Aragtideyda Gaaban.!!!

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Faarax Dulyar

Hadalsame Media