”Waxaannu ka wada xaajoonney xiriirka labadeenna dal” – Wasiirka Gaashaandhigga Britain oo ka hadlay kulankii Muuse Biixi + Sawirro

0

(Jubba) 07 Jan 2019 – Wasiirka Gaashaandhigga dalka Britain Gavin Willisamson oo shalay booqday magaalada Hargaysa oo uu kula kulmay madaxwaynaha maamulka Somaliland oo sheegtay inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.

Williamson ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray war muran dhaliyey oo uu ku sheegay inuu Biixi kala hadlay ”xoojinta xiriirka labadooda dal” iyo inuu weliba halkaa kusoo arkay wax uu ku tibaaxay shaqo ay ciidamadoodu halkaa ka qabteen sida uu u dhigay.


Markaa kaddib waxaa Twitter-kii kusoo qamaamay Soomaali kala nooc ah oo ay qaar qowlkiisa u qoslayeen qaarna ay aad ugu qaylinayeen inuu ku tumanayo qarannimada iyo midnimada Somalia.

Yeelkeede, Wasiir Gaashaandhig ayaysan sharciyan shaqadiisu ahayn inuu ka hadlo xiriir laba dal, sidaa darteed, warkan far baa ku godan run ahaantiisa, waxayna dad badani warkiisa u arkeen mid uu kaliya ku qancinayo madaxdii uu shalay la kulmay xitaa haddii uu run yahay.

UK ayaa ah dalka jugta ugu wayn u gaystey Soomaalida oo uu dhulal ay leeyihiin hoos geeyay Kenya iyo Itoobiya.

Hadalsame Media