Gazzetta – Milan-Carrasco: Jidku waa dalcad, balse wada hadalku wuu socdaa. Laba caqabadood oo heshiis dhaca hor taagan

0
SOCHI, RUSSIA - JUNE 18: Yannick Carrasco of Belgium in action during the 2018 FIFA World Cup Russia group G match between Belgium and Panama at Fisht Stadium on June 18, 2018 in Sochi, Russia. (Photo by Matthew Ashton - AMA/Getty Images)

(Milano) 07 Jan 2019 – AC Milan ayaa weli daba socota laacibka Yannick Ferreira Carrasco oo ay adeeggiisa doonayso suuq-jiilaalkan Jannaayo, balse ma sahlana in xiddigaasi la keeno kooxda Rossoneri.

Sida ku dhigan warqaadka La Gazzetta dello Sport saaka, jidku waa mid saalto badan oo misna dalcad ah, maxaa wacay waxaa jira ilaa laba caqabadood oo ay tahay in laga jiba keeno:

Tan koowaad, Leonardo waa inuu qanciyaa hanka xiddigan reer Belgian si uu u dhimo mushaarkiisa oo fasalkii ah 10 milyan oo uu iminka ka qaato kooxdiisa Shiinayska ah, tan labaad waa inuu kooxda Dalian Yifang ka raaridaa inay aqbalaan qaaciddada uu wax ku doonayo oo ah amaah ay Milan xaq u leedahay inay laacibka si rigli ah u wada iibsato haddii ay ka hesho.

AC Milan ayaa waxaa gacmaha ka haya xeerka UEFA ee FFP, isagoo bisha Febraayo sugaysa jawaabta rafcaan ay u gudbisey Maxkamadda Cadaaladda Isboortiga ee TAS oo ay uga dacwootey xukun ay saartay UEFA, iyadoo ay wararku sheegayaan in haddii aan la kordhin muddada ay dakhligeeda ku saxeeyso oo iminka ah 2.5 sano ay maxkamad la fuuli doonto isla hannaanka dhaqaale wanaagga UEFA ee FFP. Waana kooxdii ugu horreeysey ee taa ku dhaqaaqda haddii ay dhacdo.

Hadalsame Media