Wax walba oo aad uga baahan tahay afgembiga dhicisoobey ee dalka Gabon + Sawirro (Warbixin)

0

(Libreville) 07 Jan 2019 – Deganayaasha caasimadda dalkaasi Gabon ee Libreville ayaa mar qura kusoo toosay rasaas dhacaysa iyo tawaangi gaaf meeraya jidadka magaalada kaddib markii ay saraakiil millateri holliyeen inay afgembi ku qabsadaan dalkaasi. Yeelkeede, afgembigaasi iminka waa dhicisoobey.

Halkan waxaa ku xusan dhowr walxaato oo aad u baahan tahay inaad ogaato:

1. Yaa ka dambeeyay afgembigan? Ujeedkii?

Gaashaanle Sare Kelly Ondo Obiang, waa askarigii jamaahiirta reer Gabon idaacadda qaranka uga sheegay inuu xukunkii la wareegey isagoo ahaa abaanduul xigeenka Ilaalada Jamhuuriga ah ee dalkaasi iyo guddoonka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga ah ee dhallinyarada dalkaasi ee ciidamada xoogga dalkaasi.

Sida uu warkiisa ku xusay waxay doonayeen inay inqilaabaan madaxwaynaha Gabon ee Ali Bongo oo uu ku sheegay mid aan maan ahaan iyo jir ahaanba awoodin inuu dalkaasi sii xukumo caafimaadkiisa dartii.

2. Waa maxay wacaalka Bongo?

Qoyska reer Bongo ayaa xukumayay dalkan yar ee saliidda hodonka ku ah muddo nus qarni ah. Cali Boongo wuxuu xilka ka dhaxlay aabbihii Cumar Boongo oo xilka hayey muddo 42 sanadood ah tan iyo geeridiisii 2009-kii.

Ali Bongo, oo 59-jir ah ayaa 2016-dii dib iskugu doortay dhacdo ay rabshado hareeyeen, waxaana bishii Oktoobar ee sanadkii tegey la dhigay isbitaal ku yaalla Saudi Arabia kaddib markii uu shallal ku dhacay ama maskaxda dhiig uga furmay, wuxuuna ilaa Nofeembar dawo ku qaadanayaa dalka Morocco.

3. Ma afgembigii ugu horreeyay baa?

Gabon ayaa horay mar usoo martay afgembi ciidan. Sanaddii 1964-kii, ciidamada xoogga dalkaasi ayaa isku dayey inuu qallibaan madaxwaynihii xilligaasi ee Leon Mba, yeelkeede wuxuu xukunka dib u hantay maalmo yar gudohood isagoo gacan ka helaya jaallihiisii iyo madaxwaynihii Faransiiska ee Charles de Gaulle.

Wuxuuna xirxirey in ka badan 150 dadkii ka horjeedey ah kaddib afgembigaasi, iyadoo laga qoray in aanu “cafis iyo calool dabac” toona u muujin doonin.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media