XIDH. XIDIG: “Tallaabada lagu ceyriyay Haysom waxay daahfur u noqonaysaa in dib loo eego dhamaan ajaaniibta ku sugan Soomaaliya,”

0

(Muqdisho) 07 Jan 2019 – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in cayrinta Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay Nicholas Haysom ay daah-fur u noqon doonto qorshe la gula xisaabtamayo ajaanibta iyo hay’addaha ka howlgala Soomaaliya.

Akhriso fariinta Xildhibaan Xidig.

Laga soo bilaabo burburkii Dowladii kacaanka ee Alaha u Naxariistee Gen. Mohamed Siyad Bare hogaanka u Hayey:

Dalka Soomaaliya waxaa isugu yimid Ajaaniib kala Duwan oo magacyo badan wata, dhamaantoodna ku abtirsada Sumado Heyaddo caalami ah , Dowlado iyo kuwo Samafal oo NGO loo yaqaano:

Hadaad si dhab ah u daristo Farsamooyinka iyo xeeladaha ay adeegsadaan shakhsiyaadka ku howl gala magacyada aan kor kusoo sheegay waxaa kuu muuqanaya mushkilada soomaaliya heysata in ka badan 50% inay iyagu abuuraan AMA taageeraan:

Waa hubaal inay jiraan Dowlado iyo Heyado ay dhab ka tahay taageerada Dowlada iyo shacabka soomaaliyeed waxayna mudan yihin Bogaadin, Balse waxaa suuragal ah in ujeedadaas fiican ay shakhsiyaadka aan kor kusoo sheegay ay farsamooyinkooda ma dhamaatada ah u isticmaalaan:

Hadaad xusuusataan Waxaan sanadkii hore Kulamadii Baarlamaanka ka jeediyay in shaqooyinka ay Qaban lahaayeen dhalinyarada soomaaliyeed ee Ajaaniibtu hada Qabato la soomaaliyeeyo oo dhalinyarada soomaaliyeed lasiiyo shaqooyinkaas:

Hadaba Go,aanka Dowlada Federaalka ay Dalka kaga saartay Wakiilka Ergeyga Qaramada Midoobay wuxu daahfur u noqonayaa in dib loo eego dhamaan Ajaaniibta Dalka ka howl gasha xirfad kasta iyo magac kasta haku joogee:

Anigoo ku bogaadinaya Hogaanka Dowlada Federaalka waxaan soo jeedinayaa in hoos loogu daadago halka sartu ka quruntay xididkana loo siibo kooxaha midabada iyo magacyada badan ee aan kor kusoo sheegay:

Hon: Abdirashid Xidig

Hadalsame Media