DAAWO: Maxay ka wada hadleen Danjiraha Turkiga ee Somalia & MW Muuse Biixi?

0

(Hargaysa) 07 Jan 2019 – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Turkiga u fadhiya Somalia ee Mehmet Yilmaz oo uu fadhigiisu yahay safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho, kaasoo booqasho ku tegey Somaliland.

Kulankan, ayaa sida ay sheegtay Somaliland waxaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka wada-shaqayneed ee u dhexeeya labada ee Somaliland iyo Turkiga iyo ballaadhinta mashaariicda horumarineed ee ay Turkigu ka wadaan gudaha dalka.

waxa kale oo kulanka lagu lafo guray qodobbo ay ka mid yihiin deeqaha waxbarasho ee Turkigu siiyo Somaliland sidii kor loogu qaadi lahaa.

Waloow aanay soo hadal qaadin, waxaa kale oo la fahamsan yahay in la isla soo qaaday dib u bilaabidda wada xaajoodyadii siyaasadeed ee DF Somalia iyo Somaliland oo iminka muddo hakad ku jira.

Turkiga ayaa dhowaan ergayga wada xaajoodka DF Somalia iyo Somaliland u saaray danjirohoodii hore ee u fadhiyay dalka Somalia.

Hadalsame Media