FILAN WAA! Waxay ku xirantey qol hilibka lagu QABIIJIYO! (Kaddib maxaa dhacay?)

0

(Hadalsame) 07 Jan 2019 – Haweenay baa ka shaqaynaysay wershad hilib. Deeto maalin baa waxaa dhacday in markii ay shaqada dhamaysatay ay gasho qolka hilibka lagu qaboojiyo si ay wax uga soo eegto, balse nasiib xumo waxaa is xirey albaabkii qaboojiyahan wayn oo aan gudaha laga furi karin.

Wax caawinayaa ma jiraan si kasta oo ay qaylisay oo ay albaabka u garaacday xooggeedii ugu badnaa, ooyinteedii waxay ku dhacaysay meel cidlo ah maadaama aanay cidi maqal.

Inta badan shaqaaluhu shaqada way ka rawaxeen, tiiyoo ay dheer tahay inay mustaxiil tahay in dibedda laga maqlo waxa ka dhacaya qol qaboojiye ah oo aanay xitaa aaryadu geli karin, midda yar ee gudihiia ku jirta mooyee.

5 Saacadood kaddib, mar ay qarka u saaran tahay inay xijaabato qaboowga dartiis, baa waxaa albaabkii furay mid ka mid ahaa ilaaladii wershadda.

Waxay ahayd mucjiso oo kale inay maalintaa badbaaddo. Markii ay ninkii ilaalada ahaa waydiisey waxa keenay inuu albaabka furo xilligaas oo aan ahayn waqtigii shaqadiisa wuxuu ku jawaabey:

“Waxaan wershaddan ka shaqaynayay muddo 35 sanadood ah, boqollaal shaqaale ah ayaa shaqada yimaada kaddibna baxa maalin kasta, balse waxaad adigu ka mid tahay qaar aad u yar oo iyaga ka mid ah oo i salaama subixii, habeen kastana i macasalaameeya marka ay shaqada ka baxayaan.

Qaar badani waxay iila dhaqmaan sidii inaan ahay ili ma aragti aanba loo jeedin.

La soco qaybta labaad….

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media