DAAWO: Ma QM ayaa sheegtay in uu Haysom shaqadiisa sii wadan doono? (Arag afartan qodob)

0

(New York) 04 Jan 2019 – Waxaa baraha bulshada iyo webabka Soomaalida qaarkood qorayaan inay QM ku gacan sayrtay rukhsaddii ay DF u jartay ergayga gaarka ah ee XG ee QM, Nicholas Haysom oo si rasmi ah looga eryey Somalia.

Ha yeeshee, marka aad daawato shirka jaraa’id ee uu qabtay Farxaan Xaq oo ah ku simaha Afhayeenka QM, wuxuu ku celceliyay in aanu war dheeraad ah ka haynin go’aanka QM oo arrintani ku jirto marxalad dib u eegis, balse markii ay su’aalo ku celcelisey gabar weriye ah oo Maggie la yiraahdo ayuu warkiisa ku darayaa inuu qiyaasayo inuu shaqadiisa sii wato, isagoo adeegsanaya ficil mala awaal ah.

HADDABA TAN MALOO QAADAN KARAA INUU SHAQADIISA WADAN KARO?

Jawaabtu waa maya! Waayo? 1 – Marka ugu horreeysa warku wuxuu ku wareegaalaysanayaa inay arrintu marxalad dib u eegis ah ku jirto si loo derso waxa dhacay.

2 – Haddii uu Farxaan ogyahay in QM guddoonsatey inuu Haysom sii shaqeeyo warka ayuu si rasmi ah ugu sheegi lahaa, taasoo ah uu u shaqeeyo nidaamka warsiinta warfaafintu.

3 – Marka uu ergay diblomaasi ihi Persona non Grata ka qaato dalkii martigelinayay cidda soo dirsatay xaq uma laha inay dalkaasi ku khasabto inuu halkaa kasii shaqaynayo, haddii aanu go’aankaa ka laabanin dalkii soo saaray, taasina inta badan maba dhacdo.

4 – Haddii ay QM ku adkaysato inuu sii shaqaynayo ergay ay cayrisey DF Somalia oo sharciyan ah hay’adda ka mas’uulka ah Somalia, waxay taasi dhalinaysaa cawaaqib xumo kasii daran cayrinta ergayga oo ah inay QM aysan ixtiraamin madax bannaanida Somalia, taasina waa suurtagalnimo aad u fog.

Sidaa daraadeed, ma jirto meel ay QM rasmiyan, hadde waa rasmiyan ku sheegtay inuu sii shaqaynayo Haysom, sharci ahaanna sidaa maba yeeli karto, laga yaabee, haddii aysan Somalia ahayn dal madax bannaan, taasina hadda arrin jirta maaha.

Halkan ka DAAWO muuqaalka:

Hadalsame Media