Qoowlaysato dhanka Internet-ka oo sheegatay in ay heleen lacag si ay u KASHIFAAN cidda ka dambaysay qaraxyadii Maraykanka! (Akhri dokumentiga cusub)

0

(New York) 04 Jan 2019 – Koox Internet-ka ka qoowlaysata oo la yiraahdo The Dark Overlord ayaa markale ku gooddiyay inay bixinayaan furayaasha lagu furayo 650 dokumenti oo la xiriira wixii dhacay 9/11 taasoo ay sheegeen inay cawaaqib ku reebayso sirta hoose ee Maraykanka, haddii aan la siinin lacag madax furasho ah.

Dokumentiyadan ayaa jajab yar uun ka ah 18,000 dokumenti oo qarsoodi ah oo la xiriira weerarradii Sebtember 11, 2001 lagu qaaday Maraykanka oo la sheegay in laga xaday sharikaad caymis, kuwo dhanka sharciga ah iyo wakaalado dowladeed.

The Dark Overlord ayaa maalin dhowayd ku hanjabey inay dusinayaan xog gaaraysa 10GB haddii aan lacag baad ah oo weliba Bitcoin ah la siinin.

Kooxda The Dark Overlord ayaa iminka sheegaya inay heleen in ka badan $12,000 oo bitcoin – taasoo uga timid dad doonaya in ay ugu yaraan “kashifaan lakabka 1-aad ee sirta ay hayaan iyo dhowr isbaaro” kuwaasoo guud ahaan gaaraya 650 dokumenti.

Twitter-ka ayaa la sheegay inuu xannibay koontadii ay kooxdani ku lahayd dhanka camaaliqaas dhanka baraha bulshada.

Hadalsame Media