”UEFA waxay Milan & Inter ku adkaynaysaa inay sidoodii kusoo noqdaan!” – Boban

0

(Milano) 04 Jan 2019 – Laacibkii hore ee AC Milan ee Zvonimir Boban ayaa dareensan in hannaanka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play uu keenayo “In ay kooxaha Inter iyo Milan ay ku adkaato inay sidoodii kusoo noqdaan”  haddaan wax laga bedelin.

Tillaabadan FFP ayay UEFA sheegtaa inay u dhaqan gelisey si looga hortago inay kooxuhu suuqa ku bixiyaan lacago iyo mushaharaad waalli ah, balse taasi waa uun kaliya kasii dartay, waxaana jira dad qaba inay kaliya caawinayso inay kooxo gaar ihi taa samayn karaan.

“Haddii aan la sixin nidaamka Financial Fair Play, Inter iyo Milan waxaa ku adkaan doonta inay sidoodii kusoo noqdaan,” ayuu Boban u sheegay Gazzetta dello Sport.

“Taas haysata iyaga iyo kooxaha kale ee doonaya inay markale u tartamaan hadafyo sare. Waxba kama dhihi karo wixii hirgalay 10-kii sano ee ugu dambeeyay si koontooyinka loo soxo, balse maaha in ganacsatada cusub laga hor istaago inay maalgashi sameeyaan, waana dhibka haysta Milan iyo Inter.” ayuu daba dhigay.

Kooxaha Milan iyo Inter ayaa waloow ay haatan leeyihiin ganacsato lacago badan haysta aan misna suuqa kala iibsiga kasoo iibsan karin laacibiin qaali ah, xanibaadda FFP darteed.

Hadalsame Media