Wixii qaran taro aragnaye, maxay qabyaaladi ku tooran tahay?!

0

(Hadalsame) 03 Jan 2018 – Waa gartay inaan qaranimo iyo dawladnimo jeclaado, waayo dawladnimo soomaaliyeed waa tii wax barashada, caafimaadka, biyaha, iigu keentay degmadaan ku dhashay oo caasimadda 2000 km u jirta.

Waa tii aniga oo 10 jir ah oo qandala ku nool buugaga juqraafiga igu bartay baydhabo, jawhar iyo jannaale, gaalkacayo iyo beledweyne, oo igu beertay jacaylka dalkayga, iyo inaan magaalooyinkaas maalin arko.
Qofka aan intaas soo marinna waa gartiis oo la yaabi maayo!

Waa gartay inaan dawladnimada jeclaado waayo dawladnimadu waa
tii dalkayga & dadkayga i bartay, oo tuulada doomcadi ee magaalada jawhar dhanka galbeed kaga aaddan i geysey, aniga oo 16 jir ah si aan shaqa qaran oo baridda farta soomaaliga ah uga qabto, ulana noolaado oo barto dadkayga deggan jawhar, mahadday, gololey, doomcadi iyo jameeco, anigoo ka imi qandala, caluula, isku shuban iyo boosaaso.
Qofka aan intaas arag, oo qabiilkiisa iyo tuuladiisa maahane soomaaliya kale aan aqoon isagana waa gartiis oo la yaabi maayo.

Waa gartay inaan dawladnimo jeclaado, waayo wexey i bartay soomaalinimo keliya iney i deeqdo oo aan ka shaqeeyo oo raadiyo, wexeyna cimrigayga i geysey deegaan kasta iyo qabiil kasta oo soomaaliyeed, inaan la shaqeeyo, u shaqeeyo, ka dhex shaqeeyo, oo qabiil aan soomaali ahayn aanan yeelan, aniga oo cagta mariyey gobol kasta oo ay degaan. Qofka aan intaa arag, oo Soomaali oo kala yaacday, kala irdhowdey, indhaha ku kala qaaday, dhulkeedana aan marin, isna waa gartiis, lana yaabi maayo!

Waa gartay inaan dawladnimo jeclaado, waayo iyadaan ku helay 1971 Somali Airlines iney caluula iyo qandala iga soo qaaddo, 50 sano ka dibna qabiil waa awoodi la’yahay!

Dawladnimadaan ku helay 1980 in si maamuus leh safaaradaha adduunka la iigu soo dhoweeyo, baasaboorkayga Soomaaliga ahna fiisayaasha ugu adag si fudud la iigu dhufto, Maraykan, Jarmal, Ingiriis, aniga oon midna qaxooti ku ahayn, 50 sano ka dibna qabiil wuxuu i baday in lay aqoonsan waayo irridaha safaaradahana la iga xirto! Qofka aan intaa soo marin oo qabiilku baasaboorka u noqday, isna waa gartiis, oo la yaabi maayo!

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan mar walba dhegta ugu shubayaa, Dawladnimadu – marka ay ugu xuntahay ama ugu liidato – qabiilka iyo qoqobka iyadaa kaaga fiican!!

Waxaa Qoray: Sheekh Maxamed Idriis

Hadalsame Media