Maxay Qaramada Midoobey ka tiri mas’uulkoodii Muqdisho laga eryey?

0

(New York) 03 Jan 2019 – Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay baaritaan ku samaynayso waxa dhaliyey cayrinta wakiilkeedii Somalia ee Nicholas Haysom, sida uu sheegay afhayeen xigeenka QM Farhan Haq.

“Waannu eegaynaa arrinta, waxaannu isku dayaynaa inaan helno tafaaasiil hubban, waxaannu arkaynaa wixii tillaabooyin dheeraad ah ee loo baahan yahay,” ayuu yiri Haq oo la hadlayay warfidiyeenka.

Warkan ayaa daba socda go’aankii ay DF Somalia ku cayrisey ergayga QM ee Somalia kaddib markii ay Wasaaradda Arrimaha Dibedda dalku ku eedaysay inuu “maamuuska diblomaasiyadeed ugu tuntay si bilaa xishood ah.” Haysom ayaa xilkaa hayey tan iyo bishii Sebtembar 2018.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in Xogahayaha Guud ee QM, Antonio Guterres, uu si xooggan u dhaleeceeyay weerarkii lagu qaaday saldhigga QM ee Muqdisho, kaasoo ay ku dhaawacmeen laba shaqaale oo iyaga ka tirsan.

Golaha Amaanka ayaa lagu wadaa inuu maanta ka fariisto arrintan iyadoo warbixin laga dhegeysan doono XG ee QM iyo UNSOM.

Hadalsame Media