WARBIXIN SADAQO AH: Dhadhanso oo ku dhaqan!

0

(Hadalsame) 03 Jan 2019 – Waan idin baryaa marka aad masaakiinta danta yar ee ka shaqeeya shaqooyinka hooseeya ama iibiya waxyaabaha yaryar, sida:

  • Kuwa wareejiya cadayga, nasiinadiina gabay ee indhuhu casaadeen.
  • Kuwa lowska, sisinta iwm garbaha ku sida ee illaa subaxii illaa habeenkii saqda dhexe lugeynaya.
  • Hooyooyinka ama gabdhaha sanbuuska, burka iyo bajiyaha iwm xaafada ku dhex iibiya, kuwaas oo lacag aad u yar ka macaashaya.
  • Kuwa kabaha caseeya ee aan mustaqbal kale laheyn.
  • Hooyooyinka ilmahooda cidlada uga soo tagay, waliba iyaga oo gaajeysan dharka dhaqaya ama guryaha nadiifiya, waliba laga yaabee in uu ilmo ay naas nuujin laheyd, balse ay daruufta heysa ay u saamixi weysay.
  • Odayaasha da’da ah ee catarrada iyo barafuunnada xaafadaha ku dhex wareejiya ee luguhu barareen.
  • Hooyada caanaha jidka la fadhisa duhurkii illaa habeen badhkiii, waliba ay ilmo iyo reer guriga ku sugayaan, bal waxay keento caawa.

Intaas oo qeybood iyo kuwa la midka ahba, marka ay qiimo idin sheegtaan, fadlan ha dhihinina wax iga dhin oo qiime ka yar hakula gor-gortamina. U naxariista oo awalba wax sidaa u weyn ma qaataan ee intooda yar muran haka galinina, ama inta ay sheegtaan wax ugu dara oo ka farxiya, maxaa yeelay, Allaha adiga ku siiyay iyaga uma weynin ee waa imtixaan innaga nalagu imtixaanayo in aan ku shukrinnay nimcada Alle ina siiyay iyo in kale.

Mararka qaar waxaa dhacda in qiimo aad u hooseeya oo iyaga khasaaro weyni ugu jirto loo sheego, balse ay daruuftu ku qasabto in ay qaataan, maxaa yeelay, waxaaba laga yaabaa in aad tahay qofkii u horreeyay una dambeeyay ee wax ka iibsada, marka wuu ku qasab yahay in uu helo shilimaad uu ula hoydo gurigiisa.

Qoraalkan waxaan ku qoray dareen dhab ah, taas oo aniga oo aan ugu talo-gelin ay ilmadu halmar indhaheyga soo dhaafay.


Waxaa Qoray: Cabdiwahaab Cawaale

Hadalsame Media