RASMI: Lucas Paqueta oo si rasmi ah ugu biiray safka AC Milan

0

(Milano) 03 Jan 2019 – Laacibka Lucas Paqueta ayaa si rasmi ah ugu biiray AC Milan, kaddib markii ay kooxdiisa cusubi ay waraaqihii qandaraaskiisa ku xaraysay xafiiska Lega Serie A.

Laacib Brazilian-ka ah ayay Milan beri dhowayd kasoo qaadatay kooxda Flamengo, waxayna kasoo siisatay €35m oo euro iyo 10 kale oo bareemiyo ah bishii Okoobar.

Iminka ayayse Rossoneri si sharci ah u shaacisay heshiiskiisa, taasoo ka dhigan inuu wixii iminka ka dambeeya u dheeli karo kooxda, waxaana lagu wadaa inuu tababarka Milanello kusoo biiro 7-da bishan.

Paqueta ayaa kulan bilowgiisa kasoo muuqan kara ciyaarta Supercoppa Italiana ee ay 16-ka bishan la dheelayaan Juventus, taasoo ka dhacaysa Jidda, Sucuudiga Carbeed.

Hadalsame Media