Golaha Amaanka ee QM oo warbixin ka dhegeysanaya ergaygii la eryey ee Nicholas Haysom

0

(New York) 03 Jan 2019 – Nicholas Haysom oo ah Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta oo khamiis ah galin ka danbe khudbad ka jeediyo kulanka Golaha Amaanka ee QM.

Nicholas Haysom oo ay Dawladda Soomaaliya dalka cayrisey ayaa waxaa laga dhegeysan doonaa warbixin iyadoo su’aalo laga waydiin doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiritaankii Mukhtaar Rooboow, dhimashadii 4-ta qof ee ku dhintay dibed baxyadii Baydhabo, balse uu isagu 15-ka ku sheegay ee ka mid ahaa waxyaabaha keenay isku dhaca isaga iyo Dawladda dhexe ee Soomaaliya iyo arrimo kale.

QM ayaa la filayaa in ay go’aan ka qaadato arrinta cayrinta ergayga QM kaddib marka ay baaritaan ku samayso arrinkan.

Hadalsame Media