DEG DEG: Isimada oo wax kama jiraan ka dhigay go’aankii Puntland

0

(Garoowe) 03 Jan 2019 – Isimada Puntland oo Laalay Xanibaadii Xukumada Gaas ku soo rogtay Wasiirada iyo Shaqaalaha Federalka ee Puntland Imanaya .

Suldaan Bashiir Muuse Kownte” Waxaa la socotaan maalin dhawayd warqad ka soo baxday Wasiirka Amniga iyo wasiiro kale Warqadaas oo dhowr qodob ka koobnayd oo dadka qaarkiis ka biyo diideen arintaas waxaan ka samaynay wadatashiyo tiro badan Waxaan la kulanay Madaxwaynaha hada talada haya Cabdiweli wacaan la kulanay musharaxiinta waxaan la kulmay saraakiisha Amniga iyo Anaga.

Falanqayn dheer ka dib Waxaa laysla wada gartay in doorashadu inoo ku dhacdo hambsi xasilooni Waxaa laysla gartay wax walba oo aan ina qaban in meesha laga saaro Waxaa laysla gartay in muwaadin kasta oo Soomaliyeed muwaadin kasta oo Puntland ah oo aan dambi cad ka galin in uu xor u yahay in Puntland yimaado oo Howlihiisa ka fushado “

Isimada dhaqanka Puntland ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ay maanta la yeesheen Musharaxiinta Madaxtinimada Puntland. Isimadu sharciyan arrintan xaq uma laha, balse maadaama uusan jirin hannaan garsoore oo hufan waxay buuxiyaan booskaas, waana arrin ilaa xad mira dhashay.

Dad badan ayaa qaba inay khalad wayn tahay in gebi ahaanba xitaa laga doodo arrin noocan oo kal ah, iskaba daa inay kasoo baxdo maamul 20-sano jirey e.

Xigasho: Mohamed Saciid Yuusuf

Hadalsame Media