TILLAABO TAARIIKHI AH: Shiinaha oo ku biiray dalalka ”DAYAXA tegey!” + Sawirro

0

(Beijing) 03 Jan 2019 – Wax lagu tilmaamay guul taariikhi ah, Shiinaha ayaa mashiin uu diray wuxuu ku degey sida la yiri qaybta fog ee oogada Dayaxa, sida ay weriyeen warbaahinta Shiinuhu.

Arrintan ayaa guul u ah dalka Shiinaha oo doonaya inuu ka mid noqdo cududaha Hawada Sare, sida ay sheegtay Hay’adda Hawada Sare ugu qaybsan Shiinaha ee CNSA, Chang’e 4 ayaa si nabad ah ugu degey cirifka koonfureed ee Dayaxa (South Pole-Aitken Basin) oo ah meel hog wayn ah, iyadoo uu soo xigtey China Central Television (CCTV)reported.

Wuxuu mashiinkani hoobadka jawiga bisha kasoo bilaabay meel 15 km (9.3 mayl) u jirta oogada bisha, isagoo markiiba sawirradii ugu horreeyay usoo diray saldhigga dhulka, faahfaahin kale se lagama bixin.

“Maadaama dhanka fog ee bisha laga gadaamey tashwiishka electromagnetic-ga dhulka, waa meel ku habboon cilmi baaris lagu sameeyo bay’ada hawada sare iyo qaraxyada ka dhaca qorraxda, waxaa kaloo laga dhegeysan karaa meelaha ugu fog koowkabyada,” ayuu yiri Tongjie Liu, Maareeye Xigeenka Rugta Sahminta Dayaxa iyo Barnaamijka Hawada Sare ee CNSA.

Chang’e 4 dhererkiisu waa 1.5 mitir (5 cagood), ballaciisuna waa qiyaastii 1 mitir (3.3 cagood), wuxuuna ku qalabaysan yahay laba qalbac oo ah soollar laalaabmaya, kaamirooyin il gorgor leh iyo 6 lugood.

Hadalsame Media