DHACDO UGUB AH: Ilhaan Cumar oo maanta qamaarkeeda la fariisanaysa qaacada laga qorsheeyo talada Maraykanka + Sawirro

0

(Washington, DC) 03 Jan 2019 – Mid ka mid ah xubnaha cusub ee Aqalkaa Wakiillada ee Koongarayska Maraykanka, Ilhaan Cumar, ayaa maanta oo Khamiis ah kursigeeda ku fariisanaysa kaddib marka ay Dimoqraadigu bedelaan xeer arrintaa ka yaalley oo diidayay in calaamado diimeed lala yimaado qaacada la fadhiisto.

Marka ay Dimoqraadigu maanta la wareegaan aqlabiyadda Aqalkan, mid ka mid ah shaqooyinka ugu horreeya ee ay qabanayaan waa meel marinta xirmo xeerar ah oo cusub oo ku salaysan xukunka Aqalka. Xeerarkaas waxaa ka mid ah in meesha laga saaro mid ‘diidayay madax daboolka diinta la xiriira.’

Taasi waxay ka dhigan tahay in Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo meteleeysa Dimoqraadiga Minnesota ay madax daboolkeeda lasoo fadhiisato fadhiga Aqalkan markii ugu horreeysey muddo 181 sano ah, iyadoo iminka codayn karta khudbadna jeedin karta iyadoo madax daboolan.

Waloow middan la ogolaaday, misna koofiyadaha caadiga ah – sida midda kubadda baseball-ka iyo koofi dambiisha (cowboy) – ayaa sidoodii mamnuuci usii ahaan doona.

Afhayeenka cusub ee Aqalka Wakiillada, Nancy Pelosi, oo xilka la wareegaysa

Hadalsame Media