DAAWO: ”Xasan Sheekh xisbigiisa ha iimaansado, waqtigiisana ha sugto!” – Salaad C Jeelle

0

(Muqdisho) 02 Jan 2019 – Salaad Cali Jeelle, hoggaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee Midnimada iyo Dimuquraadiyadda ayaa waraysi cusub oo uu siiyay kaga hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee dalka.

Md Jeelle oo waraysi siinayay hilinka Somali Cable ayaa kooxaha ku dagaallamaya meelo ka mid dalka ugu baaqay inay colaadda joojiyaan, wuxuu kale oo ka hadlay MW hore ee Somalia ee Xasan Sh. Maxamuud oo sida uu yiri ku jira arrimo iyo abaabul aan waxba keenayn.

”Maanta waxaa dalka ka jira ilaa 35 xisbi, marka haddii ay siyaasadda rajo kale ha haysno ha iimaansado dimoqraadiyadda iyo xisbigiisa ee iska daa inaad qabiil shiriso!” ayuu yiri Jeelle oo sheegay in kaliya loo baahan yahay in mudadaa sumcadda la wanaajiyo. Jeelle ayaa si dadban u sheegay inay shirka qaadaceen isaga iyo siyaasiyiin kale.

Hadalsame Media