Xildhibaan Fiqi oo ka soo horjeestay go’aanka dowladda Soomaaliya ku ceyrisay Nikolas Haysom

0

(Muqdisho) 02 Jan 2019 – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sidoo kale weerar kulul oo afka ku qaaday hoggaanka sare dowladda Federaalka Soomaaliya isagoona si weyn kaga soo horjeestay tallaabada dowladdu ku Erisay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nikolas Haysom.

Hoos ka Akhriso qoraalka Xildhibaan Fiqi.

Awoodda Ergaygu waa mid ku tiirsan xoogga ciddii soo dirsatay, awoodda ninka wax eryayna waa mid ku tiirsan awoodda kan la eryay!,waxaan hubaa degdegta lagu soo saaray, waqtiga la soo saaray iyo saamaynta ay dalka ku keeni karto intaba warqaddaas inaan si qoto-dheer looga baaraan-degin.

Kalimadaha “Wadaniyad iyo madaxbanaani” oo asal ahaan ah kalimado wanaagsan waxaa laga dhigay shaati la gashado marka dad la siraayo ama kuwa kale la xumaynaayo, waxaana laga bixiyey xuduudoodii lagu aqoon jirey.

Qodob dastuuri ama sharci kale oo caalami ah oo loo cuskaday warqaddaas dalka looga eryay wakiilka Xoghayaha Guud ee qaramada midoobay ma jirin, kalimadda ugu cuslayd ee la adeegsadayna waxey ahayd “Madaxbanaanida dalka”, ayadoo la wada ogsoon yahay in mas’uulkaasi uu sheegay oo kaliya “Dilal loo geystay dad Soomaaliyeed, kuwo la xiray iyo Musharax la soo afduubtay oo intuba ka dhacay magaalada Baydhabo” kuliigood dhab ah.

Dadkaada ha dilin, sharci darro ha ku xirin, Isla markaana musharixiin tartamaysa ha u kala hiilin marka laguu soo jeediyo haddii ay noqonayso “in madaxbanaanidii dalka la faragaliyey” waxa jira cudur la yiraahdo “Kali-talisnimo” oo ay u daran tahay in dhagihiisu ay maqlaan: aragti ka duwan tiisa, xorriyatul qawl, rabitaanka dadweynaha, dimuqraadiyad…iwm.

“Haddii ay dhab tahay in madaxbanaani daleed la ilaalinayo, todobaadkaan gudihiisa waxaa warbaahinta Soomaaliyeed ay soo bandhigayeen askar itoobiyaan ah oo xuduuda ka soo gudubtay kuwaas oo ka qeybqaadanayey dagaalo beelo Soomaaliyeed dhexmarayey, ma aanan maqal illaa iyo hadda cid dawladda madaxbaanida ka tirsan oo ka hadashay dhacdadaas xadgudubka ah” laakin qoraalkii Nicholas Haysom 24 saac ka yar ayaa jawaabo kala duwan looga bixiyey.

Warqadda wasaaradda arrimaha dibaddu ay qortay waxey aheyd mid ka arradan luqadda diplomaasiyadda ee adduunku wax isugu qoro, degdeg iyo fudeyd ayaa ka muuqatay, sanadka cusubna wuxuu u eg yahay mid saanqaad qaldan ku bilowday.

Ugu danbeyn wuxuu mudan yahay in la cambaareeyo weerarkii lagu beegsaday xafiiska qaramada midoobey ee UNSOM shalay, waxaana soo jeedinayaa in baaritaan Madax banaan la baaro weerarkaas iyo waxyaalaha la xiriira.

Hadalsame Media