”Aan aragno sida uu Maraykanku cabsi darteed u qarqaro!” – Admiral Chinese ah oo ku hanjabey inay quusin karaan maraakiibta dagaal ee Maraykanka + Sawirro

0
Sawirka: Markabka Maraykanka ee Tippecanoe (dhexda) iyo USS Kitty Hawk (midig) iyo burburiyaha Japanese-ka aha ee Haruna oo layli ku samaynaya badda Deggan 8-dii bishii Oktoobar 2018.

(Beijing) 02 Jan 2018 – Admiraal ka mid ah ciidamada badda Shiinaha ayaa sheegay in millateriga dalkiisu ay awoodaan inay dejiyaan ama quusiyaan laba markab oo kuwa dayuuradaha xambaara ah oo uu Maraykanku leeyahay oo ku sugan Bariga & Koonfurta Badaha Shiinaha.

Warka Rear Admiral Luo Yuan ayaa la sheegay inuu 20-kii Diseembar jeediyay mar uu ka hadlayay xiriirka Maraykanka iyo Shiinaha sida lagu qoray News Corp Australia Network.

Luo ayaa soo jeediyay in quusinta maraakiibtaa Maraykanku uu sida uu yiri soo dedejinayso muran geyi ee goobtaa ka taagan. ‘Waxa ugu wayn ee uu Maraykan neceb yahay waa inay waxyeello gaarto,’ ayuu yiri Admiral Luo.

Wuxuu qiyaasay in quusinta hal markab oo Maraykan ah ay ka dhalanayso geerida 5,000 oo bad maax. In laba la dejiyaana waxay jibaaraysaa waxyeellada oo waa 10,000. ‘Waannu arki doonnaa sida uu Maraykanku u qarqaro cabsi darteed,’ ayuu yiri.

Hadalsame Media