DAAWO: Reer sheegay inay dayrisay fanaanadda Nimco Yaasiin Carraale oo baaq soo diray!!

0

(Sheekh) 02 Dis 2018 – Adeega Yaasiin Caraale oo sheegtay inay la dhalatay fanaanadda caanka ah ee Nimco Yaasiin Carraale iyo qoyskeeda ayaa Nimco usoo jeediyay inay reerkeeda kusoo noqoto. Halkan ka daawo.

Adeege iyo dadkii goobta joogey ayaa wada sheegay inay Nimco reerkan ka dhalatay oo ay iyagoo faraxsan ku wada noolaayeen Sheekh oo ay Nimco markii dambe macallimad ka ahayd. Waxay Adeega ku doodaysaa inay Nimco ka tagtay markii uu dhintay wiil iyaga la dhashay oo Cawil la yiraahdo sanaddii 2005-tii.

Waxay haweenay jaarkooda ka mid ah oo la yiraado Faaduma Cali Xuseen ayaa sheegtay in Nimco ay dhashay Caasha Diiriye Samatar, aabeheedna waa ninka ay ku abtirsato sida ay sheegeen.

”Fadlan waalidkaa kusoo noqo” ayay tiri haweenay kale oo deriska ka mid ah, iyadoo ay haatan wada geeriyoodeen waalidkaasi sida ay sheegeen.

FG: Ma jiro qabiil ka fadli badan qabiil kale, balse wuu jiraa qof ka fadli badan qof kale Alle dhankii.

Hadalsame Media