”Waa sheegaynaa!” – Koox sheegtay in ay KASHIFAYAAN cidda ka dambaysay qaraxyadii sarihii Maraykanka haddaan lacag la siinin! (Akhri dokumenti ay soo bandhigeen)

0

(New York) 02 Jan 2019 – Qolooyin ka mid ah burcadda internet-ka oo la yiraahdo The Dark Overlord ayaa ku hanjabey inay dusin doonaan kumannaan dokumenti oo “sir culus ah” oo ay ka xadeen sharikaadka caymiska iyo wakaalado dowladeed oo ay ku caddahay runta 11-kii Sebtembar – haddii aan lacag la siinin, weliba qaabka Bitcoin-ka.

The Dark Overlord, waa “koox xirfadleey ah oo beegsata sharikaadka waawayn” waxaana lagu yaqaannaa jabsi ay u gaysteen Netflix, isbitaallada sameeya qalliinnada is qurxinta iyo bartilmaameedyo kale oo xasaasi ah.

Waxay sheegeen inay hayaan xog 10GB oo qaab sireed u qoran oo ay ku jiraan dokumentiyo sir ah oo la xiriira 9/11, kuwaasoo ay wacad ku mareen inay soo gudbin doonaan furayaashooda haddii aan dalabkooda la fulinr. Halkan ka akhri.

Guruubkan ayaa sheegay inay dokumentiyadan ku jiraan wixii dhacay maalintaas, iyadoo soo tweet gareeyay “Waxaannu bixinaynaa jawaabo badan oo la xiriira mu’aamaraddii 9.11 oo aannu ku hayno 18 kun oo dokumenti.”

Waxay ballan qaadeen oo ku “gooddiyeenr” inay soo gudbin doonaan xogo ka kooban waraaqo, e-mails iyo dokumentiyo kashifaya sharikaad dhanka sharciga ah, kuwa gaadiidka TSA, wakaaladda hawada FAA iyo kuwo kale.

Dad badan ayaa ilaa maanta ku dooda in qaraxyadii 11-kii Sebtembar ay ka dambaysay ama ugu yaraan sahashey dowladda Maraykanku, ama ugu yaraan midda Israel, si loo helo marmarsiinyo lagu weerari karo dunida Muslimka.

Hadalsame Media