WAR CUSUB: Juventus oo kaddib Ronaldo soo qaadanaysa Mbappé (Qorshe ay dejisey)

0

(Torino) 02 Jan 2019 – Kooxda Juventus ayaa doonaysa inay quurto Paulo Dybala si ay biddaalkiisa usoo qaadato qaysarka PSG ee Kylian Mbappé xagaaga soo aaddan, sida lagu qoray warqaadka La Repubblica.

Sida warar hoose oo Faransiiska ka imanayaa sheegayaan, PSG ayaa doonaysa inay midkood iibiso Mbappé iyo Neymar xagaagan, iyadoo ay Old Lady si adag u doonayso inay xagaaga u dhaqaaqso laacibkan KA2018 la qaaday France.

La Repubblica, ayaa ku doodaya in soo qaadashada Mbappé aysan Juve ugu cuslaan doonin sida tii Ronaldo, iyadoo uu madaxwaynaha Juventus ee Andrea Agnelli uu xilligaa ballan qaaday in kaddib Cristiano Ronaldo, uu bartilmaameedkoodu noqon doono soo qaadashada ‘CR7 25-jir ah’. Taasoo ka dhigan laacib sare oo maraya halka ugu fiican waayihiisa ciyaareed.

Mbappé ayaana ku qaabsan laacibkaasi, mana aha laacib qaali u ah sida Ronie, waayo 20-jirkani ma laha wakiil komishin qaali ah u baahan (Mbappé waxaa metela waalidkii Wilfried iyo Fayza) mana laha sponsorships waawayn marka laga reebo Nike iyo Hublot.

Sida uu qabo Repubblica, Mbappé waa laacibka xiga ee ay bartilmaameedsanayso Juventus wuxuuna Torino iyo Old Lady imanayaa haddii ay Dybala ku faasaxaan ugu yar € 100 milyan oo euro.

Hadalsame Media