Siyaasiga Faarax Macallin oo fikirkiisa ka dhiibtey cayrinta ergayga QM (Talo uu soo jeediyay)

0

(Nairobi) 02 Jan 2019 – Siyaasiga Soomaaliyeed ee Faarax Macallin oo horay uga mid ahaa Guddoonka Baarlamanka dhexe ee Kenya, ayaa fikirkiisa ka dhiibtey sida uu u arko cayrinta ergayga gaarka ah ee QM Md Haysom.

Macallin ayaa Twitter-kiisa rasmiga ah kusoo qoray sidatan: ”Tillaabo wayn ayay qaadeen Farmaajo/Kheyre inay eryaan Nicholas Haysom. Kaddib soo daahid badan, waxaa cid kasta u cad, in Somalia ay Soomaalidu leedahay. Ilaa sanatu cowr cowr dhulkaa cid aan Soomaali ahayni ma lahayn. Farmaajo/Kheyre nadiifiya Xalane & EEZ (Aaga Dhaqaale ee Gaarka ah) ku xijiya.”

Arrintan ayay Soomaalidu aragtiyo kala geddisan ka dhiibteen, waloow ay u muuqato inay dadku inta badan soo dhoweeyeen, waloow ay jiraan dad qaba inay yara deg deg tahay oo si kale wax loo maarayn karey, iyo qaar uga soo horjeestey inuu kaliya ficilkani ka yimid dowladda oo ay mucaarad ku yihiin.

Hadalsame Media