Somaliland oo soo saartay warqad ay ku muujinayso inay Somalia ka tirsan tahay!

0

(Hargaysa) 02 Jan 2019 – Maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Somalia inteeda kale ayaa war saxaafadeed kasoo saaray go’aankii ay DF Somalia ku cayrisey ergaygii gaarka ahaa ee QM u joogey Somalia.

Waxay Somaliland warqadda ku sheegtay in aanu go’aankaasi iyaga khuseeynin isla markaana ay si buuxda ula shaqaynayaan ergayga Nicholas Haysom.

Waxaa qoraalka lagu amaanay waxqabadka iyo shaqada ergayga gaarka ah ee QM u fadhiya Somalia, iyadoo weliba go’aanka cayrintiisa lagu sheegay mid lagu degdegey oo cawaaqib xumo keeni kara.

Qoraalkan ayaa si cad uga hor imanaya sheegashada Somaliland ee ah inay tahay ”dal” aanay waxba ugu darsanayn Somalia oo arrimihiisa u jirta si gooni ah.

Halkan hoose ka akhriso…

Hadalsame Media