Ma Somalia ayaa ugu horreeysa eryidda ergay diblomaasiyadeed oo ka socda QM? (Arag liiska)

0

(Hadalsame) 02 Jan 2019 – In qof diblomaasi ah loo jaro personna non grata, شخص غير المرغوب, loona sheego inaan looga baahnayn dalka marti gelinaya waa dhaqan diblomaasiyadeed oo si joogto ah uga dhaca saaxada siyaasadda, sababta eryidduba hakala duwanaatee.

Soomaaliya ma ahan dalkii ugu horreeyey oo dalkiisa ka cayriya ergey ka socda Qaramadda Midoobay, haddii aan dib ugu noqonno sooyaalka taariikhda waxa jira waddamo badan oo u adkaysan waayey faregellinta uga timi ergey loo soo diray, kaddibna dalkooda ka cayriyey, haddaba aan eegno taariikhda UN-tee, waxaa jira 150 qof oo dalki ay joogeen laga cayriyey min 1923-2019kii, waxana ugu horreeyey:

1. Ergey loo diray dowladdii Cusmaaniyiinta, ka dibna uu dalkii Turkiga dhammaantii laga eryey.
2. Chilean Junta of 1973–1990 oo ah millateri xukumayay Chile ayaa waddankeeda ka cayrisay.
3. March 1976, Herbert Spiro, Maraykanka ayaa dalkiisa ka cayriyey markii uu dhexgalay dagaalkii Vietnam iyo USA u dhexeeyey.
4. Waxana ugu dambeeyey ninka hadda hadalkiisu muranka badan dhaliyey ee Nicholas Haysom.

Haddaba aannu dib u milicsano heshiiskii Vienna ee 1961dii, qodobkiisa 41, 42 kaas oo sheegaya;
1 – Waa in uu ixtiraamaa qaanuunka iyo xeerka waddankaasi leeyahay ee heer qaran.
2 – Waa in uusan dhexgelin arrimaha khaaska ah ee waddankaasi leeyahay.
3 – Waa in uusan gelin wax ka baxsan shaqadiisa.

Haddii ergeygu uu dhexgalo arrimaha gudaha ama dibadda ee waddankaasi leeyahay, waxa la gudboon dowladda martigelisay in ay dhulkeeda ka cayriso, iyada oo u sheegaysa xooghaya guud ee qarama midoobay.

Cahdiga u degsan diblomaasiyadda ee Vienna convention 1961, halkan ka akhriso.

Waxaa Diyaariyay: Cabdiraxmaan Shiine Xaaji

Hadalsame Media