DAAWO: ”Anaga Haysom nooma aha madaxwayne!” – Shacabka Muqdisho qaarkood oo fikirkooda dhiibtey

0

(Muqdisho) 02 Jan 2019 – Shacabka magaalada Muqdisho ayaa fikirkooda ka dhiibtey sida ay u arkaan cayrintii lama filaanka ahayd ee dalka looga eryey ergayga gaarka ah ee QM u fadhiya Somalia.

Shacabkan oo uu waraystay hilinka Dalsan TV ayaa isku raacay in ay ku faraxsan yihiin go’aanka dowladdu ka qaadatay in dalka laga musaafuriyo Nicholas Haysom oo ay dowladdu ku eedaysay inuu ixtiraami waayay madax bannaanida dalka Somalia.

Waxaa jira dad kale oo aaminsan inay khalad iyo deg deg ahayd cayrinta ergayga QM, iyagoo soo jeediyay in arrintan si kale loo wajihi kari lahaa.

Muuqaalka: Dalsan TV

Hadalsame Media