Golaha Amaanka ee QM oo berri kulan ka yeelanaya xaaladda Somalia & go’aan laga filayo (Arag jadwalka)

0
View of the Chamber while waiting for the SC meeting on situation in Gaza

(New York) 02 Jan 2019 – Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa berri kulan ka yeelanaya xaaladda Somalia, kaddib cayrintii ergaygii gaarka ahaa ee QM ugu qaybsanaa dalka Somalia.

Waxaa berri qabsoomaya kal-fadhigii 8440-aad ee Golaha Amaanka ee QM oo saacadda maxalliga ihi marka ay tahay 10:00 ka dhacaya magaalada New York, kaasoo warbixin rasmi ah lagaga dhegeysanayo Xoghayaha Guud ee QM, kaasoo dabcan farsamo ahaan warbixin ka helaya ergaygiisa iminka la eryey ee dalka Somalia iyo xafiiskiisa UNSOM.

Waxaa kaddib dhici doona kulan ay albaabadu u xiran yihiin oo ay yeelanayaan kooxaha shaqo ee ku qaybsan arrinta Somalia, kaddibna waxaa dhici karta in warbixin laga soo saaro arrintan cusub iyo guud ahaanba xaaladda iyo tadawurka siyaasadeed ee Somalia.

Wixii kasoo baxa waxaad kala socon doontaa Hadalsame Media haddii Alle idmo.

Hadalsame Media