DAAWO: Wiil Soomaaliyeed oo gaari ku ”sameeyay” magaalada Cadaado!

0

(Cadaado) 02 Jan 2019 – Wiil makaanik ah oo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Cismaan Siciid ayaa magaalada Cadaado ku sameeyay gaari yar oo uu isagu naqshadeeyay.

Siciid ayaa sheegay inuu gaarigan oo uu isagu isku dubba ridey uu ka sameeyay biro uu isu keenkeenay, isagoo matoorka laftiisa kasoo bedeley matoor alxan, wuxuuna matoorka gaarigu ku shaqeeyaa nafto.

Gaarigan oo u qaab eg sida dayacantii ciidamada ayaa noqonaya isku day wanaagsan oo dhiirrigelin iyo waxbarid mudan, waloow uu weli dhowr sanad ilays u jiro gaari buuxa oo wada Soomaali samays ah, taasoo aan lafteedu ahayn mustaxiil aan la gaari karin.

Muuqaalka: Universal TV

Hadalsame Media