MUQDISHO: Nin aabbihii horay u naafeeyay oo nin kale diley!

0

(Muqdisho) 01 Jan 2019 – Nin hubaysan ayaa deegaanka Garasbaaley ee gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isbitaalka Macaani wuxuu ku dilay wade mooto Bajaajle, kadib markii ay wada murmeen.

Ninka dilka gaystay ayaa caan ka ah degaanka Tareedisho ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaa lagu magacaabaa C/qaadir Ibraahim Caddow, wuxuuna dilay Alle ha u naxariistee Carab Siidow oo ahaa Bajaajle ka shaqeeya degaanada duleedka Muqdisho.

Ninka dilka gaystay ee C/qaadir Ibraahim ayaa joojiyay wadaha Mooto Bajaajlaha, kadibna wuxuu u sheegay inuu horay u sii qaado, iyadoo ninka waday Mooto Bajaajta uu diiday inuu raaco, kadibna taasi waxa ay keentay inuu rasaas ku furo.

Gacan ku dhiiglaha falka dilka ah gaystay ayaa ka baxsaday goobtii uu ku dilay marxuumka, iyadoo aysan jirin cid daba gashay oo gacanta ku soo dhigtay.

Askariga dilay ninkaan Mooto Bajaajlaha ah ayaa horay naafo uga dhigay Aabihiis Ibraahin Caddow, kadib markii uu xabado kaga dhuftay lugaha.

Ciidamada deegaanka garasbaaley ayaa baadigoobaya askariga falkaasi arxandarada ah aabihiis horay ugu gaystay, maantana dilay ninka Mooto Bajaajlaha ah.

Xigasho: Caasimadda Online

Hadalsame Media