Turkiga oo ergay cusub u saaray wada hadalka DF Somalia & Somaliland

0

(Ankara) 01 Jan 2018 – Dowladda Turkiga ayaa danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhin jirey ee Dr Olgan Bekar u magacowday ergayga gaarka ah ee wadahadalsiinta Somaliland iyo dowladda faderaalka Soomaaliya.

Magacaabista ayaa waxaa xaqiijiyay danjiraha Soomaaliya ee dalka Turkiga Ambassador Jaamac A. Maxamed oo sheegay in ergayga uu kaalin muhiim ah ka qaatay xoojinta xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Turkiga.

Dowladda Faderaalka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaan wax kulamo ah yeelanin tan iyo markii la doortay madaxwayne haatan xilka haya ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Somaliland ayaa ku doodda inay Somalia ka go’day 1991-kii xilli aysan Somalia lahayn dowlad dhexe oo ay talo ka go’i karto taasoo dood gelisey sharciyadda go’itaankaasi, iyadoo sheegata inay lasoo laabatay xuduud ay sheegeen inuu Ingiriisku u calaameeyay.

Hadalsame Media