GEEDKII GEERIDA: Wax ka baro geedka ugu SUNTA & halista badan adduunka + Sawirro

0

(Florida) 01 Jan 2019 – Geedka loo yaqaano Manchineel  waxaa la isku raacay inuu yahay geedka ugu halista badan aduunka wuxuuna ku yaalaa Gobolka Florida ee wadanka Mareykanka. Waxaa kaloo laga helaa bartamaha Ameerika, iyadoo ay dalalka Spanish-ka ku hadla ee aaggaasi u badani ay u yaqaannaan arbol de la muerte, ama Geedkii Geerida.

Magaciisa cilmiga ihi waa Hippomane mancinella kaasoo ah laba eray oo
uu isu geeyay filasuuf Greek oo la yiraahdo Theophrastus, iyadoo ay Hippo la micne tahay faras, halka mane ay ka timid erayga Laatiinka ah ee mania ama waalli waana Faras-waal. Theophrastus ayay tani ku khasabatay ka gadaal markii ay wax waalan oo kale noqdeen fardo daaqay geedkan asaliga ah.

Nicola H Strickland, oo cilmiga raajada la taliye ka ah, ayaa sheegtay inay xeebaha Tobago ee Bartamaha Ameerika ay ku arkeen miro kasoo dhacay geedkan, kuwaasoo u eg sida tufaaxa ”Iyada iyo saaxiibteed ayaa hal mar cantuugey.”

Waxay deeto khibradeeda uga sheekaysay warqaadka British Medical Journey. Waxay sheegtay in miraha oo kuwa macaan ahaa ay “inyar kaddib isu bedeleen sidii dareemayaan dildilaac iyo inay hunguriga ka gubanayaan oo ay dalqadu adkaatay, ilaa ay markii dambe wax kale cuni waayaan ama cabi waayaan, waloow laga gaarey haddii ay wada cuni lahaayeen noloshoodu khatar bay geli lahayd.

Waxaa se intaa dheer oo jirta, in ay jiraan xayawaanno geedkan cuna ee aan misna waxba ku noqonin sida iguana oo laga helao Central iyo South America waxaana loo badinayaa inay la qabsadeen suntiisa oo uu tadawur ku dhacay isla falgalka sunta geedka iyo noolaha cuna ee uusan waxba u dhimin.

Geedkaan ayaa leh jirid iska dhex dhexaad ah isla markaasna wax dhib ah laheyn lkn balaayo waxay ka dhacday caleemihiisa iyo mirihiisa oo aad u shabaha kuwa liinta. Halkan ka akhri qoraal kale.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media