Masjid ku yaalla Sweden oo la rasaaseeyay! + Sawirro

0

(Malmö) 01 Dis 2018 – Masjid ku yaalla magaalada Malmö ee koonfurta Sweden ayaa la sheegayaa in la rasaaseeyay, sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo dadkii masjidka ku sugnaa, gaar ahaan Anna Göransson oo afhayeenad u ah booliiska.

Weerarkan oo dhacay xalay xibinkii dambe xilli loo dabbaal degayay sanadka cusub ayaa waxaa la arki karaa dhalooyinkii ku jirey daaqadda oo burburay.

”Markii hore ma aynaan fahmin waayo waxaa la ridayay bulallayr badan, balse waan dareennay inuu dhawuqu ka yara geddisnaa, waxaana markii dambe aragnay daaqaddii oo burbursan,” ayuu yiri Kareem Lone, oo ah afhayeenka Masjidka Mahmood oo la hadlay wakaaladda wararka TT.

”Waxaannu baaris hordhac ah ku bilownay isku day dil, dembi wayn oo ah haysiga hub sharci darro ah iyo burburinta hanti umadeed.” ayay tiri Anna Göransson.

Haddaad hayso wax wacaal ah oo ku saabsan cidda weerarkaa ka dambeeysay la xiriir booliiska adigoo ka wacaya 114 14.

Hadalsame Media