DAAWO: ”Puntland ma ahan Woqooyiga Kuuriya qof Soomaaliyeedna looma diidi karo!” – Xil. Cali Xoosh

0

(Garoowe) 01 Jan 2018 – Sidaad wararkeennii hore ku aragteen, labo Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Xildhibaannadan oo kala ah Cali Yuusuf Xoosh iyo Xildhibaan Cumar Cismaan Waaberi, ayaa lagu so dhoweeyay garoonka diyaaradaha Maxamed Abshir ee Garowe.

Xildhibaan Cali Xoosh ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday amarkii dhowaan ka soo baxay Xukuumada Puntland, kaasi oo ahaa in Wasiirada iyo Shaqaalaha Dowlada Soomaaliya aysan imaan kadin deegaanada Puntland.

Labada Xildhibaan ayaa sheegay in Puntland ay tahay dhul Soomaaliyeed isla markaana cidna aan laga hor joogsan karin. ”Wax faragelin la yiraahdaa ma jiraan, dowladina dalkeeda ma farageliso” ayuu yiri Xil. Cumar.

Xigasho: Dalwanaag.com

Hadalsame Media