Khasaare ka dhashay weerar lala beegsasday xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho (Faahfaahin)

0

(Muqdisho) 01 Jan 2018 – Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa si kulul u cambaareeyay weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday oo maanta galinkii dambe lala eegtay xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay labo ruux oo ka tirsan shaqaalaha UNSOM iyo ruux kale oo qandaraasle ah sida lagu sheegay warbixinta UNSOM.

Weerarkaan oo ay sheegatay Al-Shabaab ayaa waxaa Nicholas Haysom uu sheegay inay xad gudub tahay sida uu yiri in la weeraro xarumaha hay’addaha caalamiga ee taageera Soomaaliya taasoo sida uu sheegay ay ka dhalan karto danbiyo dagaal.

Nicholas Haysom ayaa ku sifeeyay weerarkan mid dadban oo sida uu sheegay aan lagu gaari doonin hadaf siyaasadeed sida uu hadalka u dhigay.

Hadalsame Media