Madax ka socota DF oo gaarey magaalada Garoowe (Wasiirro berri tegi kara) + Sawirro

0

(Garoowe) 01 Jan 2018 – Xildhibaannada Cumar Ismaaciil Waaberi iyo Cali Cabdi Xoosh oo ka tirsan Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Xildhibaannadan oo si wayn loogu soo dhoweeyay garoonka dayuuradaha Garoowe, ayaa la sheegay inay kor joogtayn doonaan doorashada madaxtinnimada Puntland oo ku beegan 8-da bishan maanta bilatay ee Jannaayo.

Sida uu Hadalsame xog hoose ku helayo, berritoole ayaa lagu wadaa inay sidoo kale halkaasi gaaraan wasiirro ka socda dowladda dhexe ee Federaalka Somalia, waxayna arrimahani kusoo beegmayaan xilli ay Puntland soo saartay go’aanno ay ku sheegtay inaysan gobolkaa tegi karin madaxda DF.


Hadalsame Media