DEG DEG: ONLF oo caddaysay moowqifkeeda siyaasadeed ee ”cusub” ( Daawo)

0

(Jigjiga) 01 Dis 2018 – Shir-jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Jigjiga Xoghayaha Guud ee JWXO(ONLF), C/raxmaan Sh. Mahadi Maadey, ayuu wuxuu kaga hadlay mustaqbalka siyaasadeed ee ONLF.

Xoghayaha Guud ee ONLF ayaa sheegay inay ka qayb qaadanayaan hannaanka siyaasadeed ee dalka Itoobiya, isagoo farta ku godey inay qaab nabdoon ku raadin doonaan xuquuqda Soomaalida ay haatan Itoobiya maamusho.

Maadey wuxuu sheegay inay ka qayb qaadan doonaan doorashooyinka Itoobiya ee 2020 iyadoo ku geli doonta magaca ONLF iyadoo dowladda ku dhisi doonta Isbahaysiga Xorta ah ee Soomaaliyeed (Free Somali Coalition FSC).

Waxay ONLF sheegtay inay weli saluugsan tahay siyaasadda Dr Cabbeey Axmed oo waloow uu wax badan furfuray aan misna weli keenin isbeddel buuxa oo dhan walba ah.

ONLF ayaa sheegtay inaan loo baahnayn dagaallada Soomaalida ka dhex dhacaya gaar ahaan kuwa ka jira xuduud beenaadka Somalia iyo Itoobiya, balse ONLF si cad ugama hadlin arrintii muddo lala xiriirin jirey oo ahayd inay u dagaallamayeen midnimo Soomaaliyeed iyo xorayn siyaasadeed oo ay ka hirgeliyaan Soomaali Galbeed.

Hadalsame Media