XOG: Maraykanka oo sanadkan kordhiyay duqaymaha uu ka gaysto Somalia

0


(Muqdisho) 21 Dis 2018 – Duqeynta uu Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya ayaa la sheegay in ay korartay tan iyo markuu Xafiiska yimi Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Saxaafada Mareykanka ayaa sheegtay in sanadkan sii galbanaya ee 2018 uu Mareykanku ka fuliyay soomaaliya 47 duqeyn taas oo la sheegay in lagu ugaarsanayay kooxda Shabaab.

Weerarkii ugu danbe Etsy ayaa sadax cisho ka hor ka dhacay tuulada Beled Amiin oo ka tirsan degmada Afgooye taas oo caasimadda Muqdisho u jirta 40KM.

Goobtan ayaa la sheegay in ay ahayd halka laga soo abaabulo weerarada bahalnimada ah ee shabaabku ka fuliyaan magaalada Muqdisho.

Duqeynta Mareykanka ayaa waxaa qasaaro uu ka soo gaaraa dad rayid ah iyaga oo sidoo kale Mararka qaar ku duula xog qaldan taas oo sababta in ay laayaan dad shacab ah .

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media